| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo Rwanda iyo M23 ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan bariga DRC
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in ciidamada Rwanda iyo M23 ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka ka socda bariga DRC, maalmo kadib markii madaxweynayaasha labada dal ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis xabbad-joojin ah.
Maraykanka iyo Midowga Yurub oo Rwanda iyo M23 ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan bariga DRC
Ruwanda iyo DRC ayaa dhawaan heshiis nabadeed ku kala saxiixday Washington DC. / Reuters
10 Diseembar 2025

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku baaqay in ciidanka Rwanda iyo maleeshiyada M23 ay si degdeg ah u joojiyaan weerarka ku wajahan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, maalmo ka dib markii madaxda dalalkaasi ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis xabbad-joojin ah.

Kooxda uu hogaaminayo Mareykanku ayaa walaac ka muujiyay dagaalka ka socda meel u dhow Burundi waxayna sheegeen inuu "khatar ku hayo xasilloonida guud ee gobolka".

Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu yiri in dalalku ay "ku boorinayaan M23 iyo Ciidanka Difaaca Rwanda (RDF) in ay si dhaqsi ah u joojiyaan howlgalladooda duullaanka ee bariga DRC, gaar ahaan Koonfurta Kivu, isla markaana RDF ay ka baxdo bariga DRC." Rwanda ayaa marar badan beenisay warbixinada sheegaya inay la shaqaynayaan M23 si ay xasillooni-darro uga abuuraan bariga DRC.

Bayaanka wadajirka ah ee ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay M23 "in ay ku noqdaan meelahii ay hore u joogeen oo ay ixtiraamaan qodobbada ku jirey ballan-qaadyadii heshiiskii" lagu gaaray wadaxaajoodyadii ay la yeesheen dowladda Kinshasa kuwaas oo ka dhacay Qatar bishii Luulyo.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa saxiixay bayaanka.

Madaxda Rwanda iyo DRC ayaa Khamiistii Washington ku saxiixay heshiis iyadoo uu goob joog ahaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Si kastaba ha ahaatee, DRC iyo dalka deriska ah ee Burundi labaduba waxay muujiyeen walaac maadaama dagaalyahannada M23 ay weerareen deegaano xuduudaha ku yaal.

Bayaanka wadajirka ah ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale muujiyey "walaac gaar ah oo ku saabsan kororka isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka".

"Tani waxay ka dhigan tahay kordhinta colaadda waxayna halis weyn ku tahay dadka rayidka ah," ayuu lagu yiri bayaanka.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Turkiga oo daah-furay hirgelinta heshiiska iskaashiga shaqada iyo arrimaha bulshada
Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo booqday Soomaaliya xilli xiisad ka taagan tahay Geeska Afrika: Warbixin
Bangiga Horumarinta Afrika oo kaashanaya hay'adaha Carabta xilli dib u dhac kaga yimid Galbeedka
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fuliyay hawlgal qorshaysan kana dhacay Shabeellaha Dhexe
Ciidanka Suudaan oo sheegay horumarro waaweyn oo laga gaaray maleeshiyada RSF
Soomaaliya oo burisay heshiisyadii ay la galeen UAE kuna eedeysay “faragelinta midnimadeeda dhuleed"
Dowladda Suudaan oo dib ugu laabatay Khartoum kaddib dagaal qaatay muddo ka badan laba sano
Dagaalka Suudaan: Boqolaal rayid ah oo ku barakacay rabshadihii ugu dambeeyay ee Koonfurta Kordofan
Venezuela oo sii deysay 'tiro badan' oo maxaabiis ah kadib qafaalashadii Maduro
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u digay Israa’iil iyo Netanyahu: Soomaaliya lama kala goyn karo
Caalamka oo Israa’iil uga digay faragelinta Soomaaliya
Maamulka Trump oo 2,000 oo askari u diray Minnesota xilli ay sii kordhayaan howlgallada socdaalka
Soomaaliya oo baaraysa eedeymo la xiriira adeegsiga hawadeeda ee hogaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen
Muqdisho: Culimada oo hoggaamiyay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo 'faragelinta Israa’iil'
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Gorgor oo ka qalinjabiyey TURKSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland