Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo shir-guddoomiyay kalfadhiga Golaha Wasiirrada EASF: Muqdisho

Kalfadhigan oo ay martigelisay Soomaaliya ayaa isu keenay wasiirrada gaashaandhigga ee gobolka, kuwaas oo ka wada hadlay istiraatiijiyadaha amniga wadajirka ah, isla markaana ansixiyay talooyin iyo go’aanno ka soo baxay kulamadii hore.

By
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo shir-guddoomiyay kalfadhiga Golaha Wasiirrada EASF: Muqdisho / Others

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo haya guddoomiyenimada wareegta ah ee Golaha Wasiirrada Ciidanka Heegan-ka Bariga Afrika (EASF), ayaa guddoomiyay kalfadhigii 35-aad ee Golaha Wasiirrada, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kalfadhigan oo ay martigelisay Soomaaliya ayaa isugu keenay wasiirrada gaashaandhigga ee gobolka, kuwaas oo ka wada hadlay istiraatiijiyadaha amniga wadajirka ah, isla markaana ansixiyay talooyin iyo go’aanno ka soo baxay kulamadii hore ee heer farsamo iyo taliyayaal ciidan.

Wasiir Fiqi ayaa khudbadda uu jeediyey carrabka ku adkeeyay doorka EASF ee ka hortagga colaadaha, xasilinta iyo dib u dhiska, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wuxuu sidoo kale xusay in Baarlamaanka Soomaaliya uu 3-dii December 2025 ansixiyay Heshiiska Aasaaska EASF, taasoo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay amniga iyo xasilloonida Bariga Afrika.

Gunaanadkii, Wasiirku wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah EASF inay xoojiyaan midnimada iyo iskaashiga si ay u wajahaan caqabadaha amni ee gobolka.