Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa si uu uga qaybgalo Shir-madaxeedka Midowga Afrika
Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Bole mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dakhliga Itoobiya, Ainalem Niguse, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Berhanu Tsegaye.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qaybgalo Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, isagoo ku biiray hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo heer gobol ah.
Madaxweynaha ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Bole mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dakhliga Itoobiya, Ainalem Niguse, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Berhanu Tsegaye.
Shir-madaxeedka ayaa diiradda lagu saari doonaa sugnaanta biyaha, fayadhowrka, la qabsiga isbeddelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga qaaradeed.
Addis Ababa ayaa sidoo kale maanta martigelinaysa Shirweynaha Talyaaniga iyo Afrika, kaas oo ah kulankii ugu horreeyay ee heerkan ah oo lagu qabto dhulka Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa la kulmaysa hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wada hadlaan iskaashi istiraatiiji ah oo ku saabsan tamarta, kaabayaasha iyo sugnaanta cuntada.