Shabakadda Golayaasha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Afrika (NIMCA) ayaa Talaadadii magaalada Johannesburg ku soo gabagabeysay Shirweynaheedii Aasaasiga ahaa iyo Shirkeedii Guud ee Sannadlaha ahaa ee Labaad, kaddib laba maalmood oo looga hadlayay maamulka iyo mustaqbalka Shabakadda.
Shirku wuxuu ansixiyay dastuurka NIMCA, wuxuuna guddiga u xil saaray dhammaystirka diiwaangelinta sharciyeed, halka Nigeria loo doortay martigelinta shirweynaha xiga.
Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa noqday xubinta keliya ee cusub ee la aqbalay, waxaana Soomaaliya matalayay Guddoomiyaha ahna Madaxa Fulinta Golaha, Cabdiraxmaan-Koronto Maxamed Aadan, iyo La-taliyaha Golaha, Cabdiqani Cabdullaahi Axmed.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu heshiiyay in Shirweynaha Guud ee Sannadlaha ah sannad kasta loo qabto arrimaha maamulka Shabakadda, halka shirweynaha guud waqtigiisa uu go’aamin doono Golaha. Waxaa sidoo kale laga hadlay waajibaadka xubnaha, oo ay ku jiraan bixinta qaaraanka iyo daboolidda kharashaadka maamulka, si loo helo dhaqaale waara. NIMCA ayaa ilaa hadda ku tiirsanayd taageerada bah-wadaagta iyo Golaha Warbaahinta Tanzania oo martigeliya xoghaynta Shabakadda.
Ognian Zlatev oo ka socday Guddiga Yurub ayaa dhankiisa NIMCA ku boorriyay inay sameysato kayd xogeed wadajir ah oo lagu ururiyo go’aannada iyo kiisaska, isagoo sidoo kale ku taliyay inay ka faa’iideysato waayo-aragnimada Yurub marka ay la macaamilayso shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda iyo dawladaha, isla markaana xoojiso daahfurnaanta si loo kasbado kalsoonida dadweynaha.
Xiritaanka shirka, Dr. Magopeni ayaa sheegtay in imtixaanka xiga uu yahay in dastuurka ficil ahaan loo hirgeliyo, diiwaangelinta sharci la dhammaystiro, qaaraanka la bixiyo, isla markaana la diyaariyo lana maalgeliyo qorshaha Shabakadda. Waxay ergada ugu baaqday inay dalalkooda ku laabtaan oo ay ficil ahaan uga shaqeeyaan waajibaadkaas, iyadoo sheegtay in qaarad aysan muwaadiniinteedu ku kalsoonaan karin waxa ay akhrinayaan aysan si dhab ah u sheegan karin xuquuqaha ku tiirsan ogaanshaha xaqiiqda.























