Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay 10-ka arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka qaranka ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda, adkeysigooda iyo natiijooyinka wanaagsan ee ay ka gaareen waxbarashada.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay ardayda, kuna dhiirrigeliyay inay sii wadaan dadaalka iyo heerka sare ee waxbarashada. Wuxuu ballanqaaday in ardayda doonaysa inay waxbarashada sare ku sii wataan gudaha Soomaaliya ay heli doonaan fursado waxbarasho oo bilaash ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo ardayda hibada leh laguna diyaarinayo jiilka soo socda ee hoggaanka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo jaamacad dowladeed oo kale oo ku takhasusi doonta tiknoolajiyadda, taas oo dhallinyarada Soomaaliyeed ee danaynaysa culuumta casriga ah iyo tiknoolajiyadda siin doonta fursado waxbarasho sare oo tayo leh.





















