Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaaran oo loogu talagalay xoojinta adkeysiga magaalooyinka iyo is-dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha ah iyo kuwa martigeliya ee degmada Doolow.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 20.5 milyan oo doollarka Maraykanka ah, ayaa calaamad u ah isbeddel istaraatiijiyadeed oo loo qaaday dhanka soo-kabashada mustaqbalka fog iyo helidda xal waara.
Munaasabadda daah-furka mashruucan oo loogu magac-daray “Strengthening Urban Resilience of Displaced Communities in Doolow (SURDHT)“, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Hindisahan ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta Qaranka ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalalka Waara (NCRDS), iyadoo ay maalgelinayso Hay’adda Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), waxaana qayb ka ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNHCR, IOM, FAO, UN-Habitat, iyo UN Women.
Qorshahan ballaaran ayaa wax weyn ka beddeli doona muuqaalka iyo nolosha afar xero oo ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah ee degmada Doolow.
Mashruuca ayaa qaybta ugu weyn diiradda saaraya dhismaha 1,700 oo guri oo loo dhisayo dadka barakacayaasha ah, kuwaas oo u adkaysan kara isbeddelka cimilada, iyadoo la horumarinayo kaabeyaasha biyaha iyo nadaafadda.
Sidoo kale, wuxuu xoogga saarayaa kobcinta dhaqaalaha, isagoo xirfad-barid iyo fursado ganacsi-abuur siinaya haweenka iyo dhallinyarada deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dalka ay ku sugan yihiin in ka badan 3.3 milyan oo ah dad ku barakacay gudaha, isagoo xusay in mashruucani uu si gaar ah diiradda u saarayo hagaajinta xaaladaha nolosha iyo abuurista is-dhexgal bulsho oo dhab ah.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay qayb weyn ka qaadan doonto adkaynta nabadda, amniga, iyo kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama uu mashruucu gacan ka geysanayo horumarinta maamul-wanaagga, gaar ahaan maamulidda dhulalka iyo adkaynta wadajirka bulshada.
Isagoo tixraacaya dhibaatooyinkii is-biirsaday ee ay sababeen burburkii iyo abaarihii soo maray dalka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay adkeysiga iyo gobanimada shacabka ku dhaqan Doolow, wuxuuna ballan-qaaday in Xukuumadda ay xoogga saari doonto sidii deegaannadaas looga hirgelin lahaa mashaariic wax-ku-ool ah oo horseeda nolol wanaagsan oo la jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Mashruucan ayaa sidoo kale taageeraya la-qabsiga cimilada, horumarinta beeraha, iyo xoolaha.
Wakiilka Ku-meel-gaarka ah ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo mashruucan ka hadashay ayaa tiri, “Tani waa mid ka weyn gargaar uun, waxay ku saabsan tahay in awood loo siiyo bulshooyinka in ay dib u dhistaan noloshooda si sharaf iyo adkeysi leh.”























