Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa Sabtidii wada-hadallo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha ka taagan gobolka.
Wadahadallada ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, iyagoo ku qabsoomay dhinaca shirkii labaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, oo ay Masar martigelisay, kana qayb-galay Lavrov.
Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Sisi uu muujiyay qaddarin ku aaddan “jihada xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Masar iyo Ruushka, oo weli muujinaya koror joogto ah dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga.”
Sisi ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ee sahminta fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Ruushka.
Dhankiisa, Wasiir Lavrov ayaa muujiyay “rabitaanka Ruushka ee ah inuu la shaqeeyo Masar si loo sii ballaariyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal loona gaarsiiyo heerar ka sii fog.”
Wadahadallada ayaa sidoo kale taabtay arrimo badan oo goboleed iyo kuwo caalami ah, oo ay ka mid yihiin xaaladaha Gaza, Sudan iyo Liibiya, halkaas oo Sisi iyo Lavrov ay adkeeyeen baahida loo qabo xasillinta xabbad-joojinta Gaza, ka hortagga ballaarinta xiisadaha gobolka, iyo ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo kheyraadka dalalka.
Waxaa kale oo laga hadlay horumarka ku saabsan xiisadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine iyo dadaallada socda ee lagu xallinayo colaaddaas.
Lavrov ayaa Jimcihii bilaabay booqasho uu ku joogo Masar si uu uga qaybgalo shirkii labaad ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo Sabtidii furmay, ayna ka soo qayb galeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty, mas’uuliyiin ka kala socday 50 dal oo Afrikaan ah, iyo madax ka socday ururrada goboleed.













