| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Turkiga oo beeniyay eedeymaha ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka shidaalka Soomaaliya
Xaruntu waxay carrabka ku adkeysay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ku dhisan yahay iskaashi wadaag ah oo u dhexeeya laba dal oo madaxbannaan, balse aanu ahayn ka faa’iideysi.
Turkiga oo beeniyay eedeymaha ku saabsan ka faa’iideysiga kheyraadka shidaalka Soomaaliya
Sawir hore: Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud. / AA
20 Febraayo 2026

Xarunta Turkiga ee La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah ayaa beenisay eedeymo lagu faafiyey baraha bulshada oo ku andacoonaya in Turkigu si keli ah uga faa’iideysanayo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan shidaalka.

Bayaan ay soo saartay, Xaruntu waxay ku tilmaantay eedeymaha kuwo been abuur ah oo marin-habaabin ah, iyadoo sheegtay in si ula kac ah loo sameeyay si loo qalloociyo xaqiiqooyinka loona wiiqo iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.

Waxay caddeysay in heshiiska ay wada saxiixdeen Shirkadda Shidaalka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliya uu si cad u qeexayo in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya ay kaliya leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Xaruntu waxay carrabka ku adkeysay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ku dhisan yahay iskaashi wadaag ah oo u dhexeeya laba dal oo madaxbannaan, balse aanu ahayn ka faa’iideysi. Waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka inaysan rumaysan wararka been-abuurka ah ee lagu bartilmaameedsanayo xiriirka Ankara iyo Muqdisho.

Raadi Warar Kale
Erdogan oo Pezeshkian kala hadlay in wadaxaajoodka Maraykanka iyo Iiraan ay xaqiijiyaan nabad waarta
Markabka shiidaal qodista Turkiga ee Cagri Bey oo gaaray Soomaaliya isagoo ka hawlgalaya badda
Erdogan, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xabbad-joojinta Iiraan
Erdogan oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan, kana digay “falal wax burburin ah”
Turkiga oo bilaabay marin ganacsi oo uu la yeeshay Sacuudiga iyadoo ay jirto xiisadda Hormuz
Saddex argagixiso ah oo lagu toogtay weerar ka dhacay agagaarka qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul
Maxaa ka dhigaya iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga mid xoog leh iyadoo uu jiro buuq fara badan
Waa maxay sababta ay Israa'iil uga walaacsan tahay doorka sii kordhaya ee Turkigu ku leeyahay NATO
Biyaha oo beddelaya shiidaalka oo noqonaya kheyraadka ugu istaraatiijiga ah: Madaxweyne Erdogan
Madaxweynaha Turkiga oo wada-hadal khadka telefonka ah la yeeshay hoggaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq
Turkiga iyo toddobo dal oo cambaareeyay xayiraadaha Israa’iil ku soo rogtay cibaadada Bariga Qudus
NATO oo ka hortagtay gantaal nooca riddada dheer ah oo ka yimid Iiraan kuna wajahnaa hawada Turkiga
Wasiir Fidan oo Islamabad kaga qeyb galay shir afar geesood ah oo looga hadlay xiisadda Bariga Dhexe
Marwada 1-aad ee Turkiga Emine Erdogan, oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Zero Waste
Turkiga ma aamusi doono iyadoo Israa’iil gobolka u sii riixeyso dhiig daadasho: Erdogan
Fidan oo wadahadallo kala duwan kala yeeshay dhiggiisa dadaallada lagu joojinayo dagaalka Iiraan
Turkiga oo go’aansaday inuu ka fogaado “goobada dabka ah”: Erdogan
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo dhiggiisa Masar iyo dhowr dal kala hadlay dagaalka Iiraan
Dalalka Khaliijka oo u tacsiyeeyey Turkiga iyo Qatar kadib shil diyaaradeed oo dhimasho sababay
Pakistan oo Turkiga ku ammaantay “doorka wax-ku-oolka ah” ee xabbad-joojinta Islamabad iyo Kabul