Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa ka qayb galay Shirka Wadatashiga Dalalka Carabta iyo fadhigii dib loo ambaqaaday ee kalfadhiga 165-aad ee caadiga ah ee Golaha Jaamacadda Carabta oo heer wasiir lagu qabtay magaalada Cammaan.
Shirka ayaa lagu ansixiyay magacaabista Dr. Nabiil Fahmy inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, waxaana sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku jira ajandaha dalalka Carabta.
Intii uu shirku socday, Wasiiru Dowlaha ayaa kulamo laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalalka Qatar, Mauritania iyo Jabuuti, kuwaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sare u qaadidda iskaashiga arrimaha ay labada dhinac danaha ka wadaagaan. Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadidda wadajirka dalalka Carabta iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee Carabta si loo taageero danaha guud iyo xasilloonida gobolka.























