Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Isniintii furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan u diyaargarowga ifafaalaha la filayo ee El Niño, kaas oo diiradda lagu saaray doorka ururrada haweenka ee maareynta khataraha musiibooyinka.
Shirka ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka socday wasaaradaha muhiimka ah ee dowladda, cilmi-baarayaal iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka si loo xoojiyo u diyaargarowga qaran ee saamaynta suurtagalka ah ee ka dhalan karta isbeddelka cimilada.
Isagoo ka hadlayay shirka, Guddoomiyuhu wuxuu adkeeyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, ururrada haweenka iyo bulshada deegaanka si loo xoojiyo nidaamyada digniinta hore, u diyaargarowga musiibooyinka iyo adkeysiga Soomaaliya ee isbeddelka cimilada.
Shirka ayaa la filayaa inuu soo saaro talooyin lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee wax ka qabashada musiibooyinka iyo kor u qaadista guud ahaan u diyaargarowga dalka ee ifafaalaha El Niño.























