Daadad ku dhuftay Kenya: Ugu yaraan 81 qof oo ku dhintay roobab mahiigaan ah oo toddobaadyo da'ayey
Qeybo badan oo ka mid ah dalka Kenya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay la daalaa dhacayay roobab mahiigaan, iyadoo saameynta ugu badan ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Nairobi
Roobab mahiigaan oo sababay daadad xooggan oo ku dhuftay Kenya ayaa bishan dilay ugu yaraan 81 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, iyadoo roobku weli ka da’ayo inta badan dalka.
Galbeedka dalka oo si daran uu u saameeyay, dadka deegaanka ayaa dhex marayay biyaha daadadka iyagoo alaabtooda madaxa ku sita, isla markaana ku baxsanayay doonyo buux dhaafay.
Daadadka degdegga ah ayaa qarqiyey tuulooyin ku yaalla gobolka Kisumu, waxayna burburiyeen ku dhowaad 1,200 hektar (3,000 acre) oo dhul-beereed ah, iyagoo qaaday dalagyadii.
In ka badan 3,000 oo qoys ayaa ka barakacay guryahooda deegaanka Nyakach, iyadoo qaar ay ku hoyanayaan siddeed xarumood oo barakac, sida ay sheegeen dadka deegaanka, iyadoo biyaha ka fatahay Wabiga Mirui ay weli halis ku hayaan bulshada.
“Waxaan luminay dhul-beereed badan oo si weyn u nabaaday, iyo dalagyadii aan beerannay,” ayuu yiri madaxa Nyakach, Seth Oluoch Agwanda, oo 57 jir ah.
Burbur baahsan
Caasimadda Nairobi oo ay ka dhaceen tirada ugu badan ee dhimashada, ayaa waxaa daadadka ku naf waayey 37 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
“Nasiib darro, tirada guud ee dhimashada ayaa gaartay 81 ruux,” ayuu yiri afhayeenka booliska qaranka Muchiri Nyaga oo bayaan soo saaray.
“Intaa waxaa dheer, daadadka degdegga ah ayaa ku dhuftay dhowr deegaan, iyagoo barakiciyay qiyaastii 2,690 oo qoys, isla markaana sababay burbur ballaaran oo kaabayaasha iyo hantida ah.”
Habeenkii Jimcaha, mas’uuliyiintu waxay ugu baaqeen dadka ku nool xaafado sabool ah oo hoos uga xiga biyo-xireenka Nairobi inay ka guuraan, iyagoo ka digay khatar degdeg ah oo daad ah maadaama heerka biyuhu uu sare u kacay oo halis gelinayo darbiga biyo-xireenka, sida ay werisay warbaahinta maxalliga ah.
Biyo-xireenka ayaa weli dhisan, balse roobka ayaa la filayaa inuu sii socdo ilaa Talaadada, iyadoo mas’uuliyiintu ay ku baaqeen “taxaddar aad u sarreeya.”
Dhanka kale, labo qof ayaa habeenimadii ku hafatay daadad ka dhacay magaalada Kiambu oo ku dhow caasimadda, sida booliisku u sheegay AFP.
Isbeddelka cimilada
Laba qof oo kale ayaa ku dhintay dhul-go’ ka dhacay tuulada Kasaka ee galbeedka, kaas oo aasay guryo badan, sida uu weriyey telefishinka gaarka ah ee Citizen TV.
Roobabka Maarso ayaa marar badan waddooyinka Nairobi u beddelay webiyo qulqulaya, iyagoo ku fatahay kumannaan guri iyo ganacsiyo.
Nyakach oo ku taalla galbeedka, carruur ayaa ku dhex socday biyo jilbaha gaara, halka dadka deegaanka ay guryahooda ka gurayeen biyaha, inkastoo qaar ka mid ah ay biyuhu gaareen ilaa saqafka.
“Waxaan u guureynaa meel kale sababtoo ah meesha aan deggeneyn aad ayay biyuhu ugu fataheen. Weli ma garanayno halka aan ka heli doonno hoy annaga iyo xoolahayaga, maadaama uusan jirin guri aysan biyuhu ku fatahin,” ayuu AFP u sheegay Kennedy Oguta, oo 50 jir ah.
Saynisyahannadu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada ee uu sababay bini’aadamku uu kordhinayo suurtagalnimada, muddada iyo darnaanta dhacdooyinka cimilada ee daran.
Daraasado ayaa muujinaya in gobolka Bariga Afrika uu wajahay roobab iyo abaaro aad u daran labaatankii sano ee la soo dhaafay.