Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga garsoorka
Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa is-weydaarsiga khibradaha iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee la xiriira dib-u-habaynta garsoorka iyo casriyeynta nidaamyada iyo hay’adaha caddaaladda.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Cadaaladda ee Aljeeriya, Lotfi Boudjemaa, ayaa magaalada Algiers ku kala saxiixday Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka.
Heshiiskan ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo taariikheed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, waxaana diiradda lagu saarayaa is-weydaarsiga khibradaha iyo hab-dhaqannada ugu wanaagsan ee la xiriira dib-u-habaynta garsoorka iyo casriyeynta nidaamyada iyo hay’adaha caddaaladda.
Sida ku cad is-afgaradka, labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay iska kaashadaan horumarinta qaab-dhismeedka sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha, kor u qaadidda madaxbannaanida garsoorka, xoojinta xukunka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Heshiiska ayaa hiigsanaya dhismaha nidaam caddaaladeed oo hufan, daahfuran oo lagu kalsoonaan karo, kana jawaaba baahiyaha muwaadiniinta labada dal.
Mas’uuliyiin ka kala socday labada dowladood ayaa ku tilmaamay heshiiska tallaabo muhiim ah oo lagu sii xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah isla markaana lagu horumarinayo awoodda hay’adaha ee waaxda caddaaladda.