Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa magaalada Jakarta kulan rasmi ah oo laba geesood ah kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia, Anis Matta. Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Indonesia.
Wadahadallada labada mas’uul ayaa xoogga lagu saaray adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Indonesia, iyo ballaarinta iskaashiga labada waddan. Waxaa si gaar ah looga arrinsaday fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, beeraha, xannaanada xoolaha, kalluumeysiga, dhaqaalaha badda, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga badda.
Labada wasiir-ku-xigeen ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo la xiriira siyaasadda iyo diblomaasiyadda, horumarinta awoodda hay’adaha dowladda, xoojinta iskaashiga dhinacyada badan iyo isku-dubbaridka mowqifyada Soomaaliya iyo Indonesia ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii adkeynta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeynta labada dal, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta iskaashi miro-dhal ah oo salka ku haya is-ixtiraam, danaha wadajirka ah iyo horumar waara.






















