| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u Soo Xiray Tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Balli-doogle
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodda hawlgal iyo kartida xirfadeed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Kumaandooska Danab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u Soo Xiray Tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Balli-doogle
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u Soo Xiray Tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Balli-doogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa Talaadadii guddoomiyey munaasabadda qalin-jabinta dufcad cusub oo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab, taas oo ka dhacday saldhigga milatari ee Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay Taliyaha Saldhigga Maraykanka ee Balli-doogle, Taliyaha AOB BMA, Gaashaanle Sare Robert Zimmerman, iyo saraakiil sare oo ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Isagoo la hadlayey ciidanka qalin-jabinayey, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey dhammaystirka tababarkooda, wuxuuna ku boorriyey inay ilaaliyaan anshaxa, xirfadda iyo daacadnimada marka ay gudanayaan waajibaadkooda qaran.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo awoodda hawlgal iyo kartida xirfadeed ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Kumaandooska Danab, oo door hoggaamineed ka qaata howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku Soo Gebagebeysay Shirka Isku-duwidda Miisaaniyadda
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Heer Wasiir ah oo Lagu Taageerayo Qudus iyo Goobaha Barakaysan
Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Plan International
Masar oo Sheegtay Inaysan Oggolaan Doonin Biyo-xireenno Cusub oo Itoobiya Ka Dhisto Webiga Niil
Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Gargaar Bini’aadantinimo
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyey Wafdi Ka Socday Golaha Sharcidejinta Bariga Afrika
Ra'iisul Wasaare Xamse oo Somaliland ugu baaqay inay ka laabato xiriirka Israa'iil
Trump oo farriin adag u diray Iiraan
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay doorka Turkiga, caalamkana u diray farriin maalgashi oo furan
Soomaaliya iyo Indonesia oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Kalluumaysiga
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Safiir Hodan oo Wadahadallo Ku Saabsan Horumarinta Kaga Qeyb gashay Tokyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Aljeeriya
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Furay Shir Cilmiyeedka Khariidadda Horumarinta Ganacsiga Qaranka
In Ka Badan 1,400 Qof oo Ka Barakacay Weerarkii RSF ay Ka Fulisay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada
Wasiirka Warfaafinta oo Addis Ababa uga qayb galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Madaxweynaha Uganda