Carruur lagu dilay weerar drone ah oo RSF ku qaaday masaajid ku yaalla Kordofan ee Suudaan
Weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ta ayaa lagu dilay arday, 18 kalena ku dhaawacay dugsi qur'aan ku yaalla Waqooyiga Kordofan ee Suudaan.
Weerar diyaarad drone loo adeegsaday oo lagu qaaday dugsi Qur’aan iyo masjid ayaa dilay laba carruur ah, halka 13 kale ay ku dhaawacmeen bartamaha gobolka Kordofan ee Suudaan, sida ay sheegtay koox dhakhaatiir ah oo maxalli ah, iyadoo dagaalka sokeeye ee dalka uu weli socdo.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan, oo la socota xaaladda colaadda, ayaa sheegtay in maleeshiyada RSF oo dagaal kula jira ciidamada dowladda ay fuliyeen weerarkaasi ka dhacay magaalada Al-Rahad ee Waqooyiga Kordofan.
Afhayeenka shabakadda, Maxamed Elsheikh, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in carruurtu ay ku jireen duruus Qur’aan ah xilligii waaberiga.
Bartilmaameedsiga carruur ku sugnaa masaajid “wuxuu ka dhigan yahay koror halis ah oo ku yimid xadgudubyada soo noqnoqda ee ka dhanka ah dadka rayidka ah,” ayay shabakadda ku dartay.
“Kordofan weli waa goob colaadeed”
Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada dowladda ayaa billowday 2023, kaddib markii ay qarxeen xiisado u dhexeeyay labada dhinac oo hore u ahaa xulafo, kuwaas oo loogu talagalay inay kormeeraan kala guurka dimuqraadiyadeed ee ka dhashay kacdoonkii 2019.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in dagaalladu ay dileen ugu yaraan 40,000 qof, isla markaana barakiciyeen 12 milyan oo kale.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in tirada dhabta ah ee dhimashada ay ka badan karto inta la shaaciyay, maadaama dagaalladu ka socdaan deegaanno ballaaran oo fogfog, taasoo adkeyneysa helitaanka xogta.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku tilmaantay weerarrada lagu qaado goobaha cibaadada qayb ka mid ah “qaab nidaamsan” oo wiiqaya karaamada iyo xurmada goobaha diinta.
In ka badan 15 masaajid ayaa la waxyeelleeyay, la gubay ama la duqeeyay qayb ahaan ama gebi ahaanba, halka in ka badan 165 kaniisadood la burburiyay ama la xiray intii uu socday dagaalka, sida lagu sheegay tirooyin la soo tebiyay sannadkii hore.
Weerarrada diyaaradaha drone-ka ayaa noqday kuwo soo noqnoqda.
Sabtidii, weerar drone ah oo ay RSF fuliyeen ayaa ku dhacay gaari siday qoysas barakacayaal ah oo ku sugnaa bartamaha Suudaan, waxaana ku dhintay ugu yaraan 24 qof, oo ay ku jireen siddeed carruur ah, sida ay sheegtay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan.
Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in gobolka Kordofan uu weli yahay “mid kacsan oo ah goob colaadeed,” iyadoo dhinacyada dagaallamaya ay ku loollamayaan gacan-ku-haynta deegaanno istiraatiiji ah.