Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la yeeshay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad, oo booqasho ku yimid xarunta hay’adda.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada, maaraynta musiibooyinka, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha ka shaqeeya samatabbixinta iyo gurmadka degdegga ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa wafdiga Masar la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, caqabadaha taagan iyo dadaallada lagu xallinayo. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya xilliyada adag.
Dhankiisa, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad, oo uu weheliyay Safiirka Masar ee Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax, ayaa caddeeyay in dowladda Masar ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Waxa uu xusay in Masar ay ka go’an tahay inay gacan ka geysato xoojinta dadaallada bani’aadannimo iyo horumarinta awoodda wax ka qabashada musiibooyinka ee dal.






















