| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Shirweynaha SDRC 2026 ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin dowladeed, khubaro iyo cilmi-baarayaal, si loo xoojiyo dadaallada qaran ee wax looga qabanayo musiibooyinka soo noqnoqda, loona dhiso adkeysi waara.
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay

Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya (SDRC 2026) ayaa Talaadadii ka furmay magaalada Muqdisho, isagoo isu keenay mas’uuliyiin dowladeed, khubaro iyo cilmi-baarayaal si loo xoojiyo dadaallada qaran ee wax looga qabanayo musiibooyinka soo noqnoqda, loona dhiso adkeysi muddada fog ah.

Shirweynahan oo soconaya laba maalmood, isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, ayaa diiradda lagu saarayaa cilmi-baarista, iskaashiga iyo xalalka waara ee lagu yareynayo nuglaanshaha bulshooyinka ee musiibooyinka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa tilmaamay muhiimadda shirweynaha, isagoo xusay in Soomaaliya ay muddo dheer la daalaa-dhaceysay musiibooyin soo noqnoqda oo sababay caqabado baahsan oo dhinacyada bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqaalaha ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wax ka qabashada caqabadahan ay u baahan tahay dadaal wadajir ah, cilmi-baaris iyo qorsheyn wax ku ool ah, si loo horumariyo xalal waara, loona xoojiyo u diyaar-garowga iyo adkeysiga dalka.

Madaxweynaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka shirweynaha, ayaa adkeeyay doorka aqoonta, cilmi-baarista iyo wada shaqeynta ee fahamka khataraha musiibooyinka, ka hortagga dhibaatooyinka soo noqnoqda iyo dhisidda bulshooyin adkeysi leh.

Dr. Mursal ayaa ku baaqay hannaan loo dhan yahay iyo xalal waara oo lagu yareynayo nuglaanshaha bulshada, isagoo ballanqaaday in Jaamacadda Muqdisho ay sii xoojin doonto iskaashiga ay la leedahay hay’adaha dowladda, waaxda gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada, si loo taageero dadaallada Soomaaliya ee xoojinta adkeysiga musiibooyinka.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qaybgalaya wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, khubaro ku takhasustay adkeysiga musiibooyinka, cilmi-baarayaal iyo daneeyayaal kale.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Wadahadallo La Yeeshay Dhiggiisa Indonesia
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo Mahamade u magacaabay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga
Ronaldo oo shaaciyay inuu ka fariisanayo Portugal kaddib khilaaf soo dhexgalay tababaraha
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baraawe
Caleemo-saarka Galmudug: Madaxweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb
Itoobiya iyo Suudaan oo is-dhaafsaday cayrin diblumaasiyiin iyo xirid qunsuliyado
Soomaaliya iyo Turkiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca iyo Amniga
RW Xamza oo Guddoomiyay Shirkii Ugu Horreeyay ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Dabaysha
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga shidaalka iyo kheyraadka macdanta
Xiisadda Tamarta Bariga Dhexe oo Banaanka Soo Dhigtay Nuglaanta Amniga Gobolka: IEA
Liibaan Axmed Xasan oo la wareegay xilka hoggaamiyaha Galmudug
Soomaaliya, UNSOS iyo AUSSOM oo Mar Kale Xaqiijiyay Ballanqaadkooda Isku-duwidda Amniga
Soomaaliya oo Diidday Magacaabista Safiir ay Israa’iil ku Sheegtay inuu u Fadhinayo Hargeysa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay doorka Jabuuti ee dib-u-dhiska Soomaaliya
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha oo ku dhaqaaqay xoojinta diiwaangelinta Qurbajoogta
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Lagu Dhisayo Hay'adda NEMA
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kormeer qiimeyn ah ku tagay magaalada Baraawe
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay hoggaanka cusub ee Shabakadda Qaranka ee Nabaddoonnada
Ereteriya: Madaxweyne Isaias Afwerki oo dalkiisa dib ugu laabtay
Uganda oo billowday ka-bixitaanka Soomaaliya, soo afjaraysa joogitaankeeda milateri dhammaadka 2027