| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
In Ka Badan 6,000 oo Qof oo Ka Barakacay Galbeedka Daarfuur Kadib Hanjabaado ay Jeedisay RSF: IOM
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee QM ayaa sheegtay in shaqaaleheeda ka howlgala goobta ay qiyaaseen in 6,005 qof ay ka barakaceen magaalada Kulbus iyo tuulooyinka Wadi Bardi, Arwa, iyo Adarb ee deegaanka Kulbus.
In Ka Badan 6,000 oo Qof oo Ka Barakacay Galbeedka Daarfuur Kadib Hanjabaado ay Jeedisay RSF: IOM
In Ka Badan 6,000 oo Qof oo Ka Barakacay Galbeedka Daarfuur Kadib Hanjabaado ay Jeedisay RSF: IOM

In ka badan 6,000 oo qof ayaa Isniintii ka qaxay magaalada Kulbus iyo saddex tuulo oo ku dhow oo ka tirsan Gobolka Galbeedka Daarfuur ee Suudaan, kadib hanjabaado uga yimid Ciidamada RSF, sida ay Khamiistii sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Qaramada Midoobay.

Hay’addu waxay sheegtay in kooxaheeda ka howlgala goobta ay qiyaaseen in 6,005 qof ay ka barakaceen magaalada Kulbus iyo tuulooyinka Wadi Bardi, Arwa, iyo Adarb ee deegaanka Kulbus.

IOM ayaa sheegtay in inta badan dadka barakacay ay u gudbeen xadka dalka Chad.

Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in xaaladda deegaankaasi ay “weli tahay mid aad u kacsan oo aan degganeyn,” iyadoo intaas ku dartay inay si dhow ula socoto isbeddellada ka dhacaya halkaas.

Barakacan ayaa yimid xilli uu socday dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo ciidamada xulafada la ah oo dhinac ah, iyo RSF oo dhinaca kale ah, ka hor inta aysan ciidamada dowladda ku dhawaaqin inay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kulbus.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa baraha bulshada ku faafay muuqaallo muujinaya xubno ka tirsan RSF oo u hanjabaya dadka deegaanka Kulbus, isla markaana ku dhiirrigelinaya rabshado ka dhan ah shacabka, iyagoo ku eedeynaya inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Suudaan.

Isniintii, Guddoomiyaha Gobolka Daarfuur, Minni Arko Minnawi, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Suudaan iyo ciidamada xulafada la ah ay la wareegeen magaalada Kulbus kadib dagaallo ay la galeen RSF.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, ciidamada wadajirka ah ee dhaqdhaqaaqyada hubeysan, iyo ciidamada iska caabinta shacabka oo ay taageerayaan bulshada ayaa guul weyn ka gaaray RSF magaalada Kulbus,” ayuu Minnawi ku qoray bartiisa Facebook.

Magaalada Kulbus waxay ku taallaa galbeedka fog ee Suudaan, meel u dhow xadka Chad, qiyaastii 160 kiiloomitir (99 mayl) ayayna u jirtaa magaalada Al-Geneina oo ah caasimadda Gobolka Galbeedka Daarfuur.

RSF ayaa gacanta ku haysa afar ka mid ah shanta gobol ee Daarfuur iyo inta badan gobolka shanaad, marka laga reebo qaybo ka tirsan Waqooyiga Daarfuur oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada dowladda. Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa maamula inta badan 13-ka gobol ee kale ee dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.

Dhibaatada bani’aadannimo ee Suudaan ayaa sii xumaanaysay tan iyo markii dagaalku qarxay sannadkii 2023, kadib khilaaf ka dhashay qorshaha lagu mideynayay ciidamada dowladda iyo RSF. Colaaddaasi waxay sababtay dhimashada tobannaan kun oo qof, halka ku dhowaad 13 milyan oo qofna ay ku barakaceen ama ku qasbanaadeen inay ka qaxaan guryahooda.

XIGASHO:AA