Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, iyagoo halkaas u tegay booqasho shaqo oo rasmi ah, waxaana loo soo dhaweeyay si diirran.
Booqashadan ayaa looga gol leeyahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la filayo in wada-hadalladu diiradda saaraan amniga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal ee deriska ah.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa la qorsheeyay inuu wada-hadallo la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.





















