| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Muqdisho ku baalfuray buuggiisa cusub ee 'Baadigoobkii Nabadda Geeska'
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sharfay munaasabadda ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada akhrinta taariikhda iyo waayo-aragnimada la soo maray, isagoo uga mahadceliyay qoraaga, Danjire Maxamed Cabdi Afey, dadaalka uu ku bixiyay uruurinta iyo qorista buuggan.
Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Muqdisho ku baalfuray buuggiisa cusub ee 'Baadigoobkii Nabadda Geeska'
Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Muqdisho ku baalfuray buuggiisa cusub ee 'Baadigoobkii Nabadda Geeska' / OPM Somalia
13 Febraayo 2026

Ergeygii hore oo Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey, ayaa si rasmi ah u baalfuray buuggiisa cusub munaasabad ay ka soo qayb galeen Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Buugga oo ka hadlaya baadigoobkii nabadda ee Geeska Afrika ayaa iftiiminaya dadaalladii kala dambeeyay ee lagu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyadii burburka iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in nabadda Soomaaliya ay saameyn ku leedahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isagoo xusay in kala qaybsanaanta Soomaaliya ay halis ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka, loona baahan yahay in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in buuggan oo ku qoran luuqadda Soomaaliga uu muhiim u yahay bulshooyinka gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay faafinta iyo ilaalinta Afka, Dhaqanka iyo Diinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirrigeliyay bulshada akhrinta taariikhda iyo waayo-aragnimada la soo maray, isagoo uga mahadceliyay qoraaga, Danjire Maxamed Cabdi Afey, dadaalka uu ku bixiyay uruurinta iyo qorista buuggan.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxweynaha Jabuuti Geelle oo gudbiyay codsiga musharraxnimo ee doorashada Abriil
Baxreyn oo sheegtay inay qabatay 102 gantaal oo Iiraan laga soo riday iyo 173 oo diyaarado drones ah
Shiinaha oo markale ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida dalalka colaadda Bariga Dhexe awgeed
Soomaaliya oo soo bandhigtay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka ee dalka
Trump oo sheegay in dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan uu gebagabo ku dhow yahay
Masar oo ku baaqday in la sameeyo ciidan Carbeed oo wadajir ah si looga hortago hanjabaadaha Iiraan
Israa'iil oo duqeymo ay ka fulisay Lubnaan ku dishay 26 qof, kuna dhaawacday 33 kale
Soomaaliya oo qabatay hoggaanka Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika
Dawladda Kenya oo sheegtay in tirada dadka ku dhintay fatahaadaha Kenya ay gaartay 42 ruux
Iiraan oo Mojtaba, wiilka Khamenei, u magacowday hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya
Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Dastuurka cusub ee dalka
Xisbullah oo sheegtay 8 weerar oo lagu qaaday goobo milatari oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil
Booliska Kenya oo 70 qof oo ajnabi ah soo badbaadiyay hawlgal ka dhan ah ka ganacsiga dadka: Nairobi
Israa’iil oo ku hanjabtay inay u burburin doonto caasimadda Lubnaan sida Khan Younis, Qaza
Shiinaha oo ka digay in dagaalka Iiraan uu ku fidi karo gobolka kadib weerarkii Azerbaijan
Mareykanka oo Ukraine ka codsaday gargaar ku saabsan difaaca drones-ka ee Bariga Dhexe: Zelenskyy
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dastuurka cusub aan loogu talagelin inuu xoojiyo xukunkiisa
Sacuudi Carabiya oo qabatay 3 gantaal oo ku wajahnaa Saldhigga Ciidanka Cirka ee Amiir Sultan
Soomaaliya iyo Roomaaniya oo xoojinaya xiriirka diblomaasiyadeed
Madaxweyne Xasan Sheekh: “Soomaaliya waxay ka gudbay marxaladdii kumeel-gaarka ahayd”