| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Burkina Faso oo qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, oo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Burkina Faso, ayaa faahfaahiyay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga.
Madaxweynaha Burkina Faso oo qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya
Madaxweynaha Burkina Faso oo qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traoré, ayaa Arbacadii xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu siday farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ku socotay dhiggiisa dalka Burkina Faso, Kabtan Ibrahim Traore.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, oo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Burkina Faso, ayaa faahfaahiyay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wuxuu xusay in Burkina Faso iyo Soomaaliya ay wadaagaan hal caqabad oo isku mid ah oo ah argagixisada, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal.

Isagoo faahfaahinaya waxyaabihii ay kulanka uga wada hadleen, Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook waxa uu ku yiri:

“Madaxweynaha Burkina Faso, Mudane Kabtan Ibrahim Traoré, oo maanta kulan la yeeshay, ayaan isla soo qaadnay dadaallada aan ku xoojinayno iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, aniga oo u gudbiyay farriin rasmi ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.”

“Burkina Faso iyo Soomaaliya waxay wadaagaan caqabado isku mid ah oo la xiriira argagixisada. Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga.”