Mareykanka ayaa Arbacadii kordhiyay heerka khatarta safarka ee dalalka Urdun, Cumaan, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta kana dhigay Heerka 3-aad, iyadoo lagula taliyay dadka safarka ah inay dib uga fiirsadaan booqashada dalalkan.
Tani waxay timid digniin safar oo la cusboonaysiiyay oo ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Dalal kale oo lagu daray isla heerkan khatarta ah ayaa waxaa ka mid ah Baxrayn, Kuwayt, Israa’iil iyo Qadar.
Masar ayaa loo daayay heerka 2-aad, iyadoo loogu baaqay dadka safarka ah inay “muujiyaan feejignaan dheeraad ah.”
Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee Baxrayn ayaa sheegtay inay “hakisay dhammaan adeegyada qunsuliyadeed ee caadiga ah ilaa amar dambe.”
Safaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Baxrayn inay isla markiiba uga baxaan “si ammaan ah haddii ay suurtagal tahay .”
Digniinta safarka ee Pakistan
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale amartay shaqaalaha aan degdegga ahayn iyo qoysaskooda inay ka baxaan qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Lahore iyo Karachi ee Pakistan sababo la xiriira khataro amni, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo soo baxay Arbacadii.
Si kastaba ha ahaatee, wax isbeddel ah laguma sameyn xaaladda Safaaradda Mareykanka ee Islamabad, sida lagu sheegay digniin safar oo la cusboonaysiiyay.
Go’aankan ayaa yimid iyadoo ay socdaan xiisado ka taagan Bariga Dhexe, iyadoo Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Iiraan oo la bilaabay 28-kii Febraayo, kuwaas oo lagu dilay Hoggaamiyaha Sare Cali Khamenei iyo 786 ruux oo kale, oo ay ku jiraan tiro badan oo gabdho dugsi hoose dhiganeyey ah.
Tehran ayaa sameysay weeraro aargoosi ah iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo lagu beegsaday goobo lala xiriirinayo Mareykanka oo ku yaalla dalalka Khaliijka, taasoo sababtay dhimashooyin badan. Weeraradan ayaa lagu dilay lix askari oo Mareykan ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
“Waxaa jiray hanjabaad joogto ah oo ka imaneysa weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo oo ka imanaya Iiraan iyo carqaladeyn weyn oo ku timid duulimaadyada ganacsiga,” ayaa lagu sheegay digniinta safarka ee Mareykanka.
Pakistan ayaa tan iyo dilkii Khamenei waxaa ka dhacay bannaanbaxyo ka dhan ah Mareykanka oo sababay dhimasho.
Safaaradda Mareykanka ee Pakistan ayaa horey ugu dhawaaqday xiritaanka ku-meel-gaarka ah ee qunsuliyaddeeda ku taalla Peshawar, gobolka waqooyi-galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa.














