| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Dib u Qabanaya Doorashooyinka Galmudug Kaddib Go’aankii Maxkamadda
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa sheegay inuu waqti cusub u cayimi doono dib-u-qabashada doorashooyinka Galmudug, kaddib go’aankii Maxkamadda Sare ee ku saabsanaa doorashooyinkii 30-kii Luulyo 2026.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Dib u Qabanaya Doorashooyinka Galmudug Kaddib Go’aankii Maxkamadda
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Dib u Qabanaya Doorashooyinka Galmudug Kaddib Go’aankii Maxkamadda / SONNA

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa ku dhawaaqay inuu waqti cusub u cayimi doono dib-u-qabashada doorashooyinka Dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib go’aankii Maxkamadda Sare ee ku saabsanaa doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee la qabtay 30-kii Luulyo 2026.

Guddiga ayaa sheegay inuu helay nuqul ka mid ah go’aanka Maxkamadda Sare, wuxuuna mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta Dastuurka, shuruucda doorashooyinka, sarreynta sharciga iyo mabaadi’da doorashooyin xor iyo xalaal ah oo hufan.

Guddiga ayaa sheegay inuu ixtiraamayo doorka dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare iyo habraacyada sharci ee lagu xalliyo khilaafaadka doorashooyinka, isagoo tixraacay Qodobka 73-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo qeexaya awoodda Maxkamadda Sare ee arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa waqtigeeda ku dhawaaqi doona taariikhda dib loogu qabanayo doorashooyinka Galmudug.