| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Garaad Gacmeedka (AI) oo ka furmay Muqdisho
Tababarkan ayaa diiradda saaraya xoojinta aqoonta iyo xirfadaha gabdhaha ee ku aaddan adeegsiga Garaad Gacmeedka (AI), si ay kaalin muuqata uga qaataan horumarka dhijitaalka ah ee dalka.
Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Garaad Gacmeedka (AI) oo ka furmay Muqdisho
Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Garaad Gacmeedka (AI) oo ka furmay Muqdisho / User Upload

Machadka Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda Qaranka (NTTI) ee hoos yimaada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya xarunta Arkaan Leadership, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay aqoon-isweydaarsi ballaaran oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Barnaamijkan ayaa si gaar ah loogu talagalay 120 gabdhood oo wax ka barta culuumta isgaarsiinta iyo teknooloojiyadda ee jaamacadaha kala duwan ee dalka. Tababarkan ayaa diiradda saaraya xoojinta aqoonta iyo xirfadaha gabdhaha ee ku aaddan adeegsiga Garaad Gacmeedka (AI), si ay kaalin muuqata uga qaataan horumarka dhijitaalka ah ee dalka.

Madashan ayaa ah mid horudhac u ah xuska toddobaadka “Gabdhaha iyo Isgaarsiinta Casriga ah”, oo ah munaasabad caalami ah oo uu asteeyay Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), taas oo ujeeddadeedu tahay in dhiirrigelin iyo taageero la siiyo sidii loo kordhin lahaa ka-qaybgalka haweenka ee hal-abuurka teknooloojiyadda casriga ah.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Machadka NTTI, Maxamed Axmed Goosaar, wakiillo ka socday Arkaan Leadership and Innovation, madax ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, Salaam Bank, iyo marti-sharaf kale.

Inta uu socdo aqoon-isweydaarsigan, gabdhaha ka qayb-galaya ayaa la siin doonaa casharro la xiriira qaabka Garaad Gacmeedka (AI) loogu adeegsan karo horumarinta bulshada iyo xallinta dhibaatooyinka.

Waxaa sidoo kale barbar socon doona dood-cilmiyeedyo si qoto dheer loogu falanqaynayo caqabadaha iyo fursadaha horyaalla gabdhaha ku dhex jira saaxadda ICT-ga.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada isdaba-joogga ah ee ay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda, oo uu wakiil ka yahay Machadka NTTI, ku xoojinayso doorka haweenka ee dhinaca teknooloojiyadda, iyadoo la abuurayo fursado waxbarasho iyo kuwo horumarineed.

Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in garab istaag joogto ah la siiyo hablaha barta teknooloojiyadda, si ay hormuud uga noqdaan isbeddelka iyo mustaqbalka dhijitaalka ah ee qaranka.

Raadi Warar Kale
MW Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Doorashooyinka Nabdoon ee Koonfur Galbeed, Kana Digay Bannaanbaxyada
Maamulka Koonfur Galbeed oo isku diyaarinaya doorashooyin taariikhi ah oo ‘qof iyo cod’ ah
UNDP oo ku baaqday maalgelin dheeraad ah oo lagu sameeyo shaqooyinka iyo adeegyada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini
Madaxweynaha Burkina Faso oo qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo IOM oo Xoojinaya Iskaashiga Dib-u-dhiska iyo Dib-u-dejinta
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo La Kulmay Dhiggiisa Suudaan si loo Xoojiyo Iskaashiga Amniga
Trump oo shaaciyay in hakad la geliyey hawlgalka gudbinta maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Beenisay Warar Been Abuur ah oo ku Saabsan Xaaladda Danjiraha UAE
5 Qof oo ku Dhintay Weerar Drone oo lagu beegsaday Goobo Shidaal oo ku Yaalla Suudaan
Jabuuti oo dirtay dufcaddii ugu horreysay ee xujeyda u safraysa dalka Sucuudiga
Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ku heshiiyay xoojinta kormeerka xabsiyada
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday WFP
Wasiirka Maaliyadda oo Muqdisho ku Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socda Qaramada Midoobay
Wasiirka Waxbarashada oo Amray in La Banneeyo Dhulka Jaamacadda Ummadda si Dib-u-dhis Loogu Sameeyo
Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo u Diray Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maalinta Xorriyadda Saxaafadda
Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Hoggaanka UNDP
Wasiirka Ku-xigeenka Shaqada oo Ka Qaybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee Muqdisho