Soomaaliya oo bilowday soo saarista Baasaboorka Bariga Afrika (EAC)
Tallaabadan waa qayb ka mid ah ku biirista iyo is-dhexgalka Soomaaliya ee ururka gobolka Bariga Afrika.
Dawladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhawaan bilowdo soo saarista baasaboorka xubnaha ururka Bariga Afrika (EAC), iyadoo ku biiraysa dalalka kale ee gobolka ee horay u qaatay dukumentigan socdaal. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo socdaalka iyo isku xirka dalalka xubnaha ka ah dalladda EAC.
Go’aankan ayaa yimid ka dib markii Soomaaliya ay heshay oggolaanshaha rasmiga ah ee daabacaadda baasaboorka, taasoo calaamad u ah guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tansaaniya, ahna wakiilka joogtada ah ee EAC, Ilyaas Cali Xasan, ayaa qorshaha naqshadda iyo oggolaanshaha baasaboorka ku wareejiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Mustaf Sheekh Axmed Dhuxulow.
Horumarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo is-dhexgalka gobolka, isagoo fududeynaya isku-socodka xorta ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku mari karaan waddamada kale ee xubnaha ka ah ururka. Soomaaliya ayaa oggolaanshaha daabacaadda baasaboorkan heshay bishii Diseembar 2025, ka dib heshiis laba geesood ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Tansaaniya.
Baasaboorka cusub ee elektaroonigga ah ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay sannadkii 2016 intii uu socday shirkii 17-aad ee madaxda EAC, kaasoo ku koobnaa saddex qaybood oo kala ah: diblomaasiga, midka adeegga dawladda, iyo midka shacabka
Waddamada Kenya, Tanzania, Burundi, Uganda, iyo Rwanda ayaa si tartiib-tartiib ah u bilaabay bixinta baasaboorkan intii u dhaxeysay 2017 ilaa 2019.
Xubnaha kale ee EAC
Hirgelinta wejiyada kala duwan ee e-Baasaboorka Bariga Afrika ee dalalka xubnaha ka ah ayaa muujisay ka go’naanshaha wadajirka ah ee lagu mideynayo dukumentiyada safarka ee gobolka.
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC), ka dib markii ay dhammaystirtay dhammaan hannaankii xubinnimada.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay oggolaanshihii hoggaamiyeyaasha gobolka ee Shirweynihii 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha EAC ee ka dhacay Arusha, halkaas oo lagu ansixiyay codsigii tobanka sano socday ee Soomaaliya ay ku doonaysay inay ku biirto ururka.
Dalalka kale ee xubnaha ka ah ururka dhaqaalaha gobolka ayaa kala ah: Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda.
Soomaaliya ayaa horay u dooratay sagaal xubnood oo u meteli doona Baarlamaanka Bariga Afrika (EALA) ee xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, taasoo muujinaysa sida ay dalku uga go’an tahay ka qaybgalka hoggaanka iyo go’aan ka gaarista arrimaha gobolka.