| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Iiraan oo u wareegayso weerarro ka-hortag ah, iyo Maraykanka oo cunaqabateyn cusub soo rogay
Afhayeenka ciidanka Iiraan, Maxamed Akraminia, oo Jimcihii la hadlayay telefishanka dowladda, ayaa sheegay in isbeddelkan uu soo bilowday kaddib dagaalkii bishii Juun 2025
Iiraan oo u wareegayso weerarro ka-hortag ah, iyo Maraykanka oo cunaqabateyn cusub soo rogay
Washington oo cunaqabateyn cusub ku dhawaaqday, Tehran-na muujisay isbeddel ku yimid caqiidadeeda milateri / AP

Iiraan ayaa shaacisay inay si tartiib tartiib ah isbeddel ugu sameyneyso istaraatiijiyaddeeda milateri, iyadoo u wareegaysa awood ay ku qaadi karto weerarro ka-hortag ah marka ay dareento khatar soo food saartay. Dhanka kale, Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Tehran.

Afhayeenka ciidanka Iiraan, Maxamed Akraminia, oo Jimcihii la hadlayay telefishanka dowladda, ayaa sheegay in isbeddelkan uu soo bilowday kaddib dagaalkii bishii Juun 2025.

“Marka aan wajahno khatar kaga timaada Mareykanka, waan is-difaacaynaa, sharciga caalamiguna wuxuu noo oggolaanayaa inaan si ka-hortag ah isu difaacno,” ayuu yiri Akraminia.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamada Iiraan ay hore u bartilmaameedsadeen saldhigyo Maraykanku ku leeyahay waddamo ka tirsan gobolka, isagoo ku andacooday in la burburiyay qaar ka mid ah nidaamyadii raadaarka iyo difaaca cirka ee saldhigyadaas.

Akraminia ayaa sidoo kale uga digay Israa’iil inay weerar kale ku qaaddo Iiraan, isagoo wacad ku maray in jawaabta Tehran ee markan ay noqon doonto mid “ka dhaqso badan, kana xoog badan” sidii hore. Habase yeeshee, sheegashooyinka ku saabsan burburinta nidaamyada difaaca Mareykanka ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisadda u dhaxeysa Maraykanka iyo Iiraan ay mar kale cirka isku shareertay, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay labada dhinac is-weydaarsadeen weerarro horleh, halka dhaqdhaqaaqa ganacsi ee maraakiibta Marinka Hormuz uu weli aad uga hooseeyo heerkii caadiga ahaa.

Iiraan oo sheegtay in dib loo dhisay warshadihii sifeynta shidaalka

Dhanka kale, Wasiirka Batroolka Iiraan, Mohsen Paknejad, ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameeyay qayb weyn oo ka mid ah warshadihii sifeynta shidaalka ee ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil.

Paknejad oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Wasaaradda Batroolka Iiraan (SHANA), ayaa xusay in howlaha dib-u-dhisku ay bilowdeen maalmo yar un kaddib markii goobahaas la weeraray, isla markaana inta badan shaqadaas hadda la soo gaba-gabeeyay.

Wasiirka ayaa adkeeyay in dhoofinta saliidda ceyriin ee Iiraan aysan marnaba istaagin muddadii uu dagaalku socday. Isagoo tusaale u soo qaadanaya Jasiiradda Kharg, oo ah xudun muhiim u ah dhoofinta shidaalka Iiraan, Paknejad ayaa sheegay in inkastoo goobtaas la weeraray in ka badan 550 jeer, haddana shaqaaluhu ay sii wadeen rarista saliidda xitaa xilliyadii ay duqeymuhu socdeen.

Sheegashada la xiriirta tirada weerarradan waxaa soo gudbisay dowladda Iiraan, mana jirto cid madax-bannaan oo xaqiijisay.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in natiijada dib-u-dhiska si weyn loo dareemi doono bilaha soo socda, wuxuuna intaas ku daray in Tehran ay sidoo kale qorsheyneyso kordhinta wax-soo-saarka gaaska.

Mareykanka oo cunaqabateyn cusub saaray shabakad maaliyadeed

Isla Jimcihii, Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah hay’ad maaliyadeed oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga iyo laba shirkadood oo hoos yimaada.

Washington ayaa ku eedeysay bangiga Golden Global Bank inuu fududeeyay tobannaan milyan oo doollar oo macaamillo ah oo la xiriira Ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), isla markaana uu Tehran u gogol-xaaray marin ay lacago ugu wareejiso nidaamka bangiyada caalamiga ah.

Laba shirkadood oo uu bangigani leeyahay, kuwaas oo kala ah Golden Global Varlık Kiralama iyo Golden Global Portföy Yönetimi, ayaa sidoo kale lagu daray diiwaanka madow ee cunaqabateynta.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku tilmaantay tallaabadan inay tahay mid qayb ka ah olole ballaaran oo lagu beegsanayo shabakadaha dhaqaale ee ay Washington aaminsan tahay inay Iiraan ka caawiyaan la-tacaalidda cunaqabateynta iyo helitaanka dakhliga dibadda.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa imaaneysa iyadoo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan uu galay bishii toddobaad, halka qiimaha saliidda caalamku uu toddobaadkan kor u kacay, taas oo ka dhalatay cabsi laga qabo in dagaalku uu saameyn taban ku yeesho sahayda tamarta ee gobolka.

XIGASHO:TRT Arabi
Raadi Warar Kale
NISA oo dishay madaxii hore ee 'Amniyaadka' Al-Shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Jilib
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hay’adaha Amniga u Qabatay Tababar ku Saabsan Xasaanadda Diblomaasiga
Soomaaliya iyo Algeria oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada
Soomaaliya oo u Diyaar-garoobaysa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha
Midowga Afrika oo Beeniyay inuu Masar ku Eedeeyay Xiisadda Itoobiya Kaddib Diidmada Qaahira
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Shide: Siyaasigii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee loo doorto Guddoomiyaha Golaha Shacabka Itoobiya
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga soo badbaadiyay burcad-badeed oo dib ugu laabanaya dalkooda
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Tigray
Xasan Sheekh: Soomaaliya kama soo horjeeddo in Itoobiya ay dekedaheeda u isticmaasho ganacsiga