Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, ayaa muujisay walaac ku aaddan halista sii kordheysa ee ka dhalanaysa isticmaalka aan xaddidneyn ee baraha bulshada, iyadoo xustay in arrimaha sida wararka been abuurka ah, tacaddiyada dijitaalka ah iyo xadgudubyada kale ee internetka ay si toos ah u saameynayaan xuquuqaha aasaasiga ah ee bulshada.
Iyadoo ka hadlaysay kulan uu qabtay Machadka Heritage oo diiradda lagu saaray khataraha baraha bulshada, maamulka iyo badbaadada dijitaalka, waxay adkaysay in ilaalinta xuquuqaha ku jira goobaha dijitaalka, gaar ahaan xorriyadda hadalka, karaamada aadanaha iyo asturnaanta, ay tahay waajibaad wadajir ah oo u baahan iskaashi ka yimaada dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, bulshada rayidka iyo isticmaaleyaasha baraha bulshada.
Dr. Maryan ayaa ku baaqday in la xoojiyo nidaamka hagidda iyo maareynta arrimaha dijitaalka, la adkeeyo isla-xisaabtanka xogta ku jirta baraha bulshada, isla markaana la ballaariyo wacyigelinta bulshada. Waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay in baraha bulshada laga dhigo meel ilaalisa xuquuqda dadka halkii ay ka noqon lahaayeen goob waxyeello u geysata bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.























