Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka qaybgalaya kalfadhiga 39-aad ee Shirka Caalamiga ah ee Dacwada, Shareecada Islaamka iyo Siirada Nabiga, kaas oo Talaadadii ka furmay magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania.
Shirka oo soconaya saddex maalmood ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 50 dal, iyadoo ay isugu yimaadeen culimo, mas’uuliyiin iyo wakiillo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa daraasaynta iyo faafinta hanuunka laga dheehdo Siirada Nabiga, iyadoo doodaha lagu falanqeynayo Tawxiidka, akhlaaqda suubban, caqiidada Islaamka ee saxda ah iyo siyaabaha lagu xoojin karo mabaadi’dan bulshada Muslimiinta dhexdeeda.
Wasiir Mukhtaar Roobow Cali ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkan caalamiga ah, isagoo ka qaybgalaya doodaha ku saabsan arrimaha diinta, dacwada iyo iskaashiga u dhexeeya dawladaha iyo hay’adaha Islaamiga ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa sidoo kale fursad u siinaya inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka ka qaybgalaya iyo hay’adaha Islaamiga ah ee caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada arrimaha diinta, waxbarashada iyo iskaashiga Islaamiga ah.























