Dalalka Suudaan iyo Sacuudi Carabiya ayaa maalintii Isniinta saxiixay heshiis lagu abuurayo gole isku-duwid oo wadajir ah, kaas oo ujeedkiisu yahay xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Suudaan, Muxyidiin Saalim, ayaa sheegay in golahani uu gacan ka geysan doono qoto-dheeraynta iskaashiga iyo is-dhexgalka labada dal, isla markaana uu noqon doono qaab-dhismeed looga wada-hadlo arrimaha ay danaha wadaagga ah ka leeyihiin.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Safaaradda Suudaan ee magaalada Riyaad kadib saxiixa heshiiska, ayaa bogaadiyay taageerada Sacuudigu uu siiyo Suudaan, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee uu dalku marayay dhowaan, isagoo xusay in heshiiskani uu ka tarjumayo xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga sii kordhaya ee labada dhinac.
Dhankiisa, Safiirka Suudaan u fadhiya Sacuudiga, Dafallah Al-Xaaji Cali, ayaa xusay in Suudaan ay noqotay dalkii 28-aad ee gole isku-duwid la yeesha Boqortooyada Sacuudiga, isagoo tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa muhiimadda ay Suudaan ku leedahay xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Riyaad.
Safiirka ayaa faahfaahiyay in goluhu uu ku shaqayn doono guddi-hoosaadyo qaabilsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo bulshada, si loo horumariyo qorsheyaal wadajir ah, loona dhiirrigeliyo iskaashiga u dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyo hay’adaha dowladda.
Danjire Dafallah ayaa si gaar ah hoosta uga xarriiqay muhiimadda dhinaca dhaqaalaha, isagoo rajo ka muujiyay in goluhu uu gacan ka geysan doono xallinta caqabadaha hortaagan maalgashiga dalka Suudaan.
Wuxuu ku baaqay in la sameeyo daraasado qoto-dheer oo ku aaddan mashaariic wax-ku-ool ah oo aas-aas u noqon kara iskaashi dhaqaale oo ballaaran.
Sidoo kale, wuxuu xusay in heshiiskani uu ka dhashay wada-tashiyo xooggan oo muddo bilo ah si hoose u socday ka hor inta aan si rasmi ah loo saxiixin.
Ugu dambayn, Safiirka ayaa xusay doorka Madaxweynaha Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, oo uu sheegay inuu taageero weyn siiyay dadaalladii horseeday heshiiskan.
Wuxuu Sacuudiga ku tilmaamay saaxiib istaraatiijiyadeed oo muhiim u ah Suudaan, isagoo tixraacaya saamaynta siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee uu Sacuudigu ku leeyahay gobolka.
Wuxuu raaciyay in xiriirka joogtada ah ee Boqortooyada ay la leedahay Suudaan uu muhiim u yahay dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo xasiloonida.






















