| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo qabatay hoggaanka Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika
Ku biiritaanka garsoore Soomaali ah ee maxkamadda ayaa leh miisaan dhaqaale iyo diblomaasiyadeed, maadaama Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ay go’aamiso murannada ka dhasha jebinta heshiisyada iyo khilaafaadka ganacsi ee dalalka xubnaha ka ah.
Soomaaliya oo qabatay hoggaanka Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika
Garyaqaan Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo loo dhaariyey hoggaanka Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika / User Upload

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kursi ka heshay qaab-dhismeedka garsoorka ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Shirkii 25-aad ee Madaxda Dowladaha EAC ee ka dhacay Arusha ayaa Qareen Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi si rasmi ah loogu dhaariyay inuu noqdo garsoore ka tirsan Qaybta Heerka Koowaad ee Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.

Garsoore Cabdiwaaxid ayaa hore ugu soo shaqeeyay Xeer-ilaaliye Dowladeed oo ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir ee Muqdisho, wuxuuna shahaadada masterka ee qaanuunka ee sharciga isbarbardhigga iyo dastuuriga ah ka qaatay Jaamacadda Ohio State University. Kahor magacaabistiisa, garsooraha ayaa ka shaqaynayay dib-u-eegista kiisaska iyo latalinta sharciga ee qaybta xeer-ilaalinta ee Xafiiska Garyaqaanka Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka.

Ku biiritaanka garsoore Soomaali ah ee maxkamadda gobolka ayaa leh miisaan dhaqaale iyo diblomaasiyadeed, maadaama Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika ay go’aamiso murannada ka dhasha jebinta heshiisyada iyo khilaafaadka ganacsi ee u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah.

Magacaabistan ayaa timid xilli EAC ay Soomaaliya ku boorrisay inay si degdeg ah ugu darto heshiiska ururka sharciyadeeda qaran isla markaana ay dhammaystirto wadatashiyada gudaha ee la xiriira Isbahaysiga Siyaasadeed ee Bariga Afrika ka hor dhammaadka Juun 2026.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo QM oo Muqdisho kaga wada hadlay marxaladda kala-guurka ee hawlgalka UNTMIS
Qorshe lagu maalgelinayo qalabka beeraha Soomaaliya oo Muqdisho looga arrinsaday
Marwada Koowaad Sahro Cumar Xasan oo Booqasho ku Tagtay Xarunta Daryeelka Carruurta Agoonta ah
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kulan Lagu Xoojinayo Taageerada Xabsiyada la yeeshay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Deegaanka XFS oo Ka Qaybgalay Madasha Afrika ee Horumarka Waara: Itoobiya
Soomaaliya oo Daahfurtay Mashruuca Bulsho ee Xoojinta Maamul Wanaagga iyo Dhismaha Nabadda
Wasiirka Dekadaha Cabdulqaadir oo la guddoonsiiyay abaalmarinta ‘Siyaasiga Ugu Saameynta Badan 2026’
Saddex ganacsade oo lagu toogtay bartamaha magaalada Johannesburg xilli ay quraacanayeen
QM oo si kulul u cambaaraysay weerarrada salka ku haya ajnabi-nacaybka ee Koonfur Afrika
Soomaaliya iyo ASYAD oo Ka Wadahadlay Iskaashi Istaraatiiji ah oo Ku Saabsan Dekedaha iyo Saadka
Carruurta Soomaaliyeed ee nafaqo-darradu hayso oo khatar ugu jira saamaynta dagaalka Iiraan
Soomaaliya & QM oo Muqdisho ka daah-furay wajiga 2aad ee mashruuca ilaalinta iyo nabadeynta haweenka
Xarunta Baarlamaanka Minnesota oo martigelisay Maalinta Soomaalida
Madaxweynaha Soomaaliya oo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed kala hadlay nidaamka qof iyo cod
Diyaaradda Madaxweynaha Israa’iil Herzog oo gashay wareeg dheer kadib diidmo uga timi hawada Turkiga
Soomaaliya oo Horumarinaysa Dadaallada Maalgashiga Duulista Hawada
Shir-madaxeedka Caafimaadka qaaradda Afrika oo ka furmay Nairobi
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Turkiga TURKSOM
Soomaaliya iyo Cumaan oo Horumarinaya Iskaashi Maalgashi oo Istaraatiiji ah
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta