Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa laashay natiijooyinkii doorashooyinka isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada Galmudug iyo Golayaasha Deegaanka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed.
Maxkamadda ayaa kaddib markii ay dhageysatay dhinacyada, dibna u eegis ku sameysay doodaha iyo caddeymaha la soo bandhigay, go’aamisay in doorashooyinkii la qabtay 30-kii Luulyo 2026 aan loo marin si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya iyo Sharciga Doorashooyinka, sidaas darteedna natiijooyinkoodu aysan lahayn wax sharciyad ah.
Maxkamadda Sare ayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha (NIEBC) ku amartay inuu sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah u qabto doorashooyin cusub oo loogu talagalay Golaha Wakiillada Galmudug iyo Golayaasha Deegaanka, iyadoo la raacayo Dastuurka, Sharciga Doorashooyinka iyo xeerarka khuseeya.
Si loo xaqiijiyo sii socoshada adeegyada dowladda loona ilaaliyo danta guud, Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in hay’adaha hadda jira ay sii hayaan xilalkooda ilaa laga dhisayo hay’ado cusub oo lagu soo doorto doorashooyin waafaqsan sharciga.





















