| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha CXD oo Isbitaallada Muqdisho ku Booqday Askartii Ku Soo Dhaawacantay Hawlgallada
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ku booqday askar ku dhaawacantay hawlgallada amniga, isagoo u kuurgalay xaaladdooda caafimaad iyo daryeelka loo fidinayo.
Taliyaha CXD oo Isbitaallada Muqdisho ku Booqday Askartii Ku Soo Dhaawacantay Hawlgallada
Taliyaha CXD oo Isbitaallada Muqdisho ku Booqday Askartii Ku Soo Dhaawacantay Hawlgallada / SONNA

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loo oran jiray Isbitaalka Digfeer, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah askarta Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhaawacmay hawlgallada amniga.

Taliyaha ayaa u kuurgalay xaaladda caafimaad ee askarta iyo daryeelka loo fidinayo, isagoo sidoo kale dhageystay baahiyahooda caafimaad iyo cabashooyinkooda.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa askarta dhaawacantay u muujiyay garab istaag iyo walaaltinimo, isagoo Alle uga baryay inuu siiyo caafimaad degdeg ah.

Intii uu booqashada ku jiray, Taliyaha ayaa sidoo kale booqday carruur lagu daweynayo isbitaalka, isagoo dhakhaatiirta iyo maamulka isbitaalka ka wareystay xaaladdooda caafimaad. Waxa uu sidoo kale taageero iyo dhiirrigelin u muujiyay carruurta iyo qoysaskooda.

Taliyaha ayaa sidoo kale maamulka isbitaalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ka dhageystay warbixin ku saabsan adeegyada caafimaad iyo daryeelka loo fidiyo bukaannada iyo askarta dhaawacantay.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo daryeelka iyo taageerada xubnaha ciidamada qalabka sida iyo bulshada Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Laanqeyrta Cas oo Sheegtay inay Diiwaanka ku Hayso in ka Badan 11,000 oo Qof oo Sudan lagu La’yahay
Bennett oo Netanyahu ku eedeeyay ‘dayacaad dambiyeed’ ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar
CXDS oo Bartilmaameedsaday Unug Al-Shabaab u Qaabilsanaa Qaraxyada oo ku Sugnaa Jubbada Hoose
Soomaaliya: Ciidanka Danab oo Hawlgallo Qorshaysan ka Fuliyay Shabeellaha Hoose
Wasiirka Warfaafinta oo Ka Hadlay Horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo Tayeynta Saxafiyiinta
Soomaaliya oo Ka Qaybqaadatay Shirarka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee Qaahira
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo Furay Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026
Seyga Madaxweynaha Tansaaniya oo geeriyooday xilli uu ku jirey isbitaal lagu dabiibayey
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Taliska Gorgor ee Muqdisho
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada
Ku Dhawaad 1,700 Qof oo Amni-darro uga Barakacay Blue Nile ee Suudaan: IOM
RW Xamza oo la Kumay Wafdi OIC ayaa Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Taageerada Soomaaliya
Wasaaradda Gaadiidka & Duulista oo Dib u Eegtay Qorshayaasha Casriyeynta Duulista iyo Gaadiidka
Muqdisho: Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 oo Maanta Furmay
Niger oo Faransiiska ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay magacyada horjoogayaal lagu dilay Gobolka Bay
Deynta dhalinyarada Mareykanka oo laga cafiyo si ay uga dagaalamaan Iiraan: Wargeys Israa’iili ah
Iiraan oo u wareegayso weerarro ka-hortag ah, iyo Maraykanka oo cunaqabateyn cusub soo rogay
Turkiga oo cambaareeyay tallaabooyinka Israa’iil ee Falastiin, Suuriya iyo Lubnaan
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza