| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
RW Ku-xigeenka oo la Kumay Danjirayaasha Midowga Yurub, Kana Hadlay Horumarka Doorashooyinka
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in qaybo ka mid ah dalka ay maanta ka socdaan doorashooyin toos ah oo isku dhafan, halkaas oo shacabka Koonfur Galbeed ay ku dooranayaan hoggaamiyeyaashooda.
RW Ku-xigeenka oo la Kumay Danjirayaasha Midowga Yurub, Kana Hadlay Horumarka Doorashooyinka
RW Ku-xigeenka oo la Kumay Danjirayaasha Midowga Yurub, Kana Hadlay Horumarka Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Jimcihii guddoomiyay kulan laba geesood ah oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo danjirayaasha dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ee taageera Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in qaybo ka mid ah dalka ay maanta ka socdaan doorashooyin toos ah oo isku dhafan, halkaas oo shacabka Koonfur Galbeed ay ku dooranayaan hoggaamiyeyaashooda, isagoo ku tilmaamay geeddi-socodkan calaamad cad oo muujinaysa horumarka Soomaaliya ee ku wajahan dimuqraadiyeynta iyo dhismaha nidaam doorasho oo loo dhan yahay.

Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad

XIGASHO:SONNA