| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Erdogan iyo Maxamed bin Salmaan oo khadka taleefanka uga wada hadlay amniga gobolka iyo Qaza
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay aad uga xuntahay weerarrada lagu qaaday Sacuudi Carabiya
Erdogan iyo Maxamed bin Salmaan oo khadka taleefanka uga wada hadlay amniga gobolka iyo Qaza
Madaxweynaha Turkiga, Recep Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka taleefanka kula wadaagay arrimaha amniga gobolka, xiriirka laba geesoodka ah iyo qorshaha nabadda Qaza, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, sida ay shaacisay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Agaasinka oo lagu baahiyay barta X, Madaxweyne Erdogan ayaa Isniintii sheegay in Turkigu uu ka xun yahay weerarrada lala beegsaday dalka Sacuudi Carabiya.

Wuxuu dib u xaqiijiyay in xukuumadda Ankara ay si dhab ah uga shaqeynayso sidii loo gaari lahaa nabad waarta, islamarkaana loo xaqiijin lahaa xasilloonida iyo amniga guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in u hoggaansanaanta buuxda ee Israa'iil ee tubta loo marayo wejiga labaad ee qorshaha nabadda Qaza ay fure iyo saldhigba u tahay guusha qorshahaas.

"Si dhow ayaan ula soconnaa isbeddellada iyo xaaladaha soo kordhaya," ayuu yiri Madaxweyne Erdogan, sida lagu xusay bayaanka.