Turkiga iyo Suuriya ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan gaadiidka waddooyinka caalamiga ah, taas oo fursad u siinaysa in dib loo bilaabo gaadiidka dhulka ee sida tooska ah ugu kala goosha labada dal iyadoo aan rarka lagu kala geddisaneyn baraha xuduudka, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha Turkiga.
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency intii lagu guda jiray Shirweynaha Isku-xirka Gaadiidka Caalamiga ah ee ka dhacay Istanbul, Abdulkadir Uraloglu ayaa sheegay in heshiiskan la saxiixay Sabtidii, uu dib u soo nooleeyay Heshiiskii Gaadiidka Waddooyinka Caalamiga ah ee 2004-tii ee u dhexeeyay labada dal.
Heshiiska ayaa dhigaya in baabuurta xamuulka ah ay hadda si toos ah uga gudbi karaan xadka iyagoo aan u wareejin alaabta gaadiid kale, taas oo ka dhigaysa ganacsiga mid degdeg ah, fudud, oo ku kaca qiimo jaban .
“Wareejinta xamuulka ee xuduudaha waa la joojinayaa, taas oo u oggolaanaysa in alaabaha si toos ah looga raro Turkiga loona geeyo Suuriya iyada oo aan loo baahnayn in la beddelo gaadiidka,” ayuu yiri.
Uraloglu ayaa sidoo kale sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in la bilaabo hawlaha gaadiidka transit-ka, taas oo u oggolaanaysa in si toos ah loo maro dhulka Turkiga loona gudbo Urdun, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qadar, iyo dalalka kale ee Khaliijka.
Mas’uuliyiinta Turkiga iyo Suuriya ayaa sidoo kale iska kaashan doona dhinacyo kala duwan oo ku saabsan gaadiidka rakaabka iyo xamuulka, oo ay ku jiraan qabshada barnaamijyo tababar labada dhinac ah, ayuu yiri.
Dib u furidda ogolaanshaha gaadiidka u kala goosha Turkiga iyo Suuriya ma aha oo kaliya inay xoojin doonto doorka labada dal ee ganacsiga gobolka ee u dhexeeya Yurub iyo Aasiya, balse sidoo kale waxay ka caawin doontaa isku xirka Waddada ee Bariga Dhexe iyo dalalka Khaliijka, ayuu Uraloglu ku daray.
Kadib markii xukunkii muddada dheer ee Bashar al-Assad ee Suuriya uu dhacay bishii Diseembar ee la soo dhaafay, dowlad ku-meel-gaar ah ayaa xukunka la wareegtay bishii Janaayo, taas oo fududeysay xiriir xooggan oo lala yeesho deriska gobolka iyo dalalka caalamka.


















