| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayay labada mas'uul kaga wada-hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan / TRT SOMALI

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khamiistii waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, kaas oo si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa diblumaasiyadeed ee dalka.

Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayay labada mas'uul kaga wada-hadleen xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa safiirka la wadaagay horumarrada ay dowladdu ka sameysay dhinacyada amniga, dimuqraadiyeynta, iyo dowlad-dhiska, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii adkeeyaan iskaashigooda.

Dhankiisa, Safiir Alkan ayaa madaxweynaha gaarsiiyey salaan iyo farriimo uu ka siday madaxda dalkiisa.

Diblumaasigan ayaa xilka kala wareegaya safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Muqdisho, Alper Aktaş, oo dhowaan soo gabagabeeyey muddadii xil-hayntiisa.

Dabayaaqadii bishii Sebteembar, markii uu la wareegayay waajibaadkiisa cusub, ayuu Alkan sheegay in mudnaanta ugu weyn ee safaaraddu ay noqon doonto sii-horumarinta xiriirka labada waddan.

“Ujeedkeenna ugu weyn waa inaan sii horumarinno xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, annagoo ku dhiseyna is-ixtiraam, kalsooni iyo danaha wadajirka ah... Albaabbada safaaraddeennu mar walba way u furnaan doonaan muwaadiniinteenna Turkiga iyo saaxiibbadeenna Soomaaliyeed, si aan uga faa’iideysanno aragtidooda iyo talooyinkooda qiimaha leh,” ayuu Safiir Alkan ku yiri farriin lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Safaaradda.

Cilaaqaadka Muqdisho iyo Ankara

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sannadihii la soo dhaafay si weyn u ballaariyey xiriirkooda, kaas oo gaarsiisan dhinacyada difaaca, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, horumarinta, iyo tamarta.

Xukuumadda Ankara ayaa door weyn ku leh tababarka iyo taageerada ciidamada Soomaaliya, halka dhowaanna ay labada dal si weyn u kordhiyeen iskaashiga sahaminta kheyraadka shidaalka.

Xiriirka labada dal ayaa galay marxalad cusub oo xooggan tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku yimid Soomaaliya sannadkii 2011-kii.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan
Turkiga oo sii wada dadaallada lagu dhisayo ‘nidaam caalami ah oo caddaalad ah’: Wasiir Fidan
Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil
Fidan oo Guddoomiyay Kulanka Isku-duwidda Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee New York
Wasiirrada heshiiska difaaca Makka oo ka wadahadlay shir degdeg ah oo lagu taageerayo Sacuudiga
Turkiga oo cambaareeyay hadallada wasiirka Difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay is-dhexgalka Muslimiinta, kana soo horjeestay dhaqan-ku-milanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qayb-galay shirka nabadda Qaza
Fidan oo Ka Qaybgalay Kulankii 6-aad ee Wasiirrada Dibadda Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudi
Erdogan: Qaza waa 'xeryaha dadka lagu ururiyo ee ugu bahalnimada iyo ceebta badan' zamankeenna
Erdogan oo ku baaqay dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka QM iyo in la baabi’iyo awoodda Veto
Turkiga oo beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya ay xayiraad dal-ku-gal saartay muwaadiniintiisa
Garoonka Diyaaradaha Istanbul oo loo aqoonsaday xarunta duulimaadyada ugu isku-xirka badan caalamka
Heshiiska difaaca Makka oo farriin u diraya dunida Islaamka: Erdogan
Isku-dhafka kooxaha hubeysan oo muhiim u ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya: Fidan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo Ankara kula kulmay safiirka Mareykanka iyo madaxda OTS
Soomaaliya oo cambaareysay olole lagu dhaawacayo xiriirka Muqdisho iyo Ankara
Turkiga iyo toddobo dal oo kale oo cambaareeyay qorshayaasha lagu barakicinayo Falastiiniyiinta
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Turkiga ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 104-aad ee Maalinta Guusha