Shirkii lixaad ee wadatashiga lagu xoojinayo nabadda Suudaan ayaa Arbacadii ka furmay magaalada Geneva, iyadoo ay ka qaybgaleen dowlado iyo hay’ado caalami ah, si loo xoojiyo isku-duwidda dadaallada diblomaasiyadeed, loo yareeyo xiisadaha, loona taageero hannaan loo dhan yahay oo lagu soo afjarayo colaadda dalkaas.
Isagoo ka hadlayay shirka, Xoghayaha Dowladda Switzerland u qaabilsan Arrimaha Dibadda, Alexandre Fasel, ayaa sheegay in dagaalka Suudaan uu galay sannadkiisii afraad, iyadoo xaalado macluul u eg ay weli ka jiraan Darfur, Kordofan iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah.
Fasel ayaa ka digay in colaadda ay sii kordhineyso khatarta ku wajahan xasilloonida gobolka, iyadoo saameynteedu ay ka gudbeyso xuduudaha Suudaan, kuna fideyso dalalka deriska ah.
“Dagaalku ma saameynayo oo keliya dadka Suudaan, balse wuxuu khatar ku yahay xasilloonida gobolka,” ayuu yiri.
Malaayiin qof oo barakacay
Fasel ayaa xaaladda Suudaan ku tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ugu daran dunida, isagoo sheegay in in ka badan 15 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Suudaan iyo dalalka ka baxsan xuduudaheeda.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadka rayidka ah ay weli yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatadu saameyso, isagoo xusay in ilaalintooda iyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo aan lagu xiri karin hirgelinta xabbad-joojin ama heshiis siyaasadeed.
Fasel ayaa sheegay in si weyn la isugu raacsan yahay in colaadda aan xal militari lagu soo afjari karin, isagoo ku baaqay wada-hadallo ay dadka Suudaan hoggaaminayaan oo loo dhan yahay.
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Pekka Haavisto, ayaa sheegay in shirku uu fursad u yahay qiimeynta dadaallada wadajirka ah, wax ka qabashada caqabadaha jira iyo xoojinta isku-duwidda hindiseyaasha diblomaasiyadeed.
Dadaallo is-dhammeystiraya
Haavisto ayaa ku adkeeyay in dadaallada caalamiga ah ay noqdaan kuwo is-dhammeystiraya, isla markaana gacan ka geysta hadafka guud ee ah soo afjaridda dagaalka, yareynta dhibaatada shacabka Suudaan iyo xaqiijinta mustaqbal ku dhisan nabad, amni iyo karaamo, iyadoo Suudaan ay tahay dal mideysan.
Wuxuu sheegay in wada-hadallada ku saabsan dejinta xiisadaha ay diiradda saari doonaan aqoonsiga tallaabooyin wax ku ool ah oo is-xoojinaya, si loo dhiso kalsooni loona abuuro xaalado suuragelinaya xabbad-joojin dhammaystiran.
Isagoo ka hadlayay saameynta colaadda ee gobolka, Haavisto ayaa sheegay in xiriirka qotada dheer ee Suudaan la leedahay dalalka deriska ah uu ka dhigan yahay in cawaaqibka dagaalku uusan ku koobneyn gudaha xuduudaha dalkaas.
Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof. Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dhimashada dad tiro badan ayaa loo aaneynayaa ciidamada RSF.





















