| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo soo dhaweynta markabka Çağrı Bey
Imaatinka wafdiga Turkiga ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka munaasabadda lagu soo dhoweynayo markabka qodista shiidaalka “Çağrı Bey,” oo shalay ku xirtay dekedda Muqdisho, taasoo muujinaysa xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta.
Wasiirka Tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo soo dhaweynta markabka Çağrı Bey
Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud / Villa Somalia - Meta

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isagoo halkaas uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Daahir Shire.

Diyaaradda wafdiga ayaa ka degatay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo loo sameeyay soo dhoweyn rasmi ah.

Imaatinka wafdiga Turkiga ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka munaasabadda lagu soo dhoweynayo markabka qodista shiidaalka “Çağrı Bey,” oo shalay 9-kii Abriil 2026 ku xirtay dekedda Muqdisho, taasoo muujinaysa xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca tamarta.

Wasiir Bayraktar ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ammaanay iskaashiga dhinaca tamarta ee labad dal, taasoo ka dhalatay dadaalka iyo rabitaanka adag ee uu muujiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Kadib sahankii hordhaca ahaa ee uu bilaabay markabka Oruç Reis, waxaa xigi doona hawlgalka qodista shiidaalka ee ugu horreysa ee nooceeda ah ee ka bilaaban doonta ceelka Curad-1 iyadoo uu fulinayo markabka Çağrı Bey.

Waxaa la filayaa in munaasabad rasmi ah oo arrintan la xiriirta ay ka dhacdo dekedda Muqdisho goor dambe oo maanta ah.

“Waxaan aaminsanahay in iskaashigan u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, oo ku dhisan kalsooni, walaaltinimo iyo faham wadajir ah oo horumar, uu furi doono bog cusub oo xooggan oo ku saabsan xiriirka labada dal.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Danjiraha Soomaaliya Yuusuf Axmed Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Mauritania
Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo Ka Arrinsaday Dardargelinta Amniga iyo Adeegyada Dadweynaha
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Qaabilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Ciidanka Suudaan oo Ku Dhawaaqay inay La Wareegeen Deegaanka Khor Hassan ee Gobolka Blue Nile
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha 64-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta ee Geneva
Soomaaliya oo Xoojisay Dadaallada Lagu Sii Daynayo Badmaaxiinta laga Afduubtay Markabka Shiinaha
Maamulka Banaadir oo Muqdisho ka Daahfuray Ololaha Qalliimada Wadnaha ee 11 Carruur ah
Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Danjiraha Turkiga oo Ka Wadahadlay Xoojinta Iskaashiga Militariga
SoDMA iyo Ciidanka Asluubta oo Xoojinaya Iskaashiga Taageerada Bani’aadantinimo ee Maxaabiista
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Saldhigga Danab ee Dhuusamareeb
Soomaaliya oo Daahfurtay Barnaamij Tababar Xirfadeed oo loogu Talagalay Ciidanka Asluubta
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Jabuuti
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Siyaasado Muhiim ah oo Qaran
Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Madasha 13-aad ee Magaalooyinka Adduunka: Azerbaijan
Fidan iyo Araghchi oo yeeshay kulan ku saabsan wada-hadallada hakadka galay ee Mareykanka iyo Iiraan
Madasha Africa CEO Forum oo ka Furantay Rwanda iyadoo Lagu Baaqay Isdhexgal Dhaqaale oo Afrika ah
Soomaaliya oo Hormuud ka Noqotay Dib-u-habeynta Maamulka Caalamiga ah
CXDS iyo Turkisom oo Qeybiyey Gargaar Bani’aadantinimo si loo Xasiliyo Degmada Mubaarak
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Gaarsiiyay Madaxweynaha Aljeeriya Farriin uu ka Siday MW Xasan Sheekh