Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Ankara ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Kamil Idris, oo booqasho shaqo ku jooga Turkiga, sida ay sheegtay Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga.
Agaasinka Isgaarsiinta ayaa baraha bulshada ee Turkiga NSosyal ku sheegay in kulankii Arbacada lagu gorfeeyay xiriirka laba geesoodka ah ee Turkiga iyo Suudaan iyo sidoo kale arrimaha goboleed iyo kuwa caalamiga ah.
Erdogan wuxuu sheegay in labada dal ay hiigsanayaan in xiriirkooda la sii xoojiyo iyadoo la adeegsanayo tallaabooyinka hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, isaga oo adkeeyey in Turkigu si xooggan u taageersan yahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suudaan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa intaa ku daray in Ankara ay ka shaqaynayso sidii loo joojin lahaa colaadda Suudaan loona soo celin lahaa xasiloonida, kuna daray in Turkigu uu taageersan yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu gaaro joojinta dagaalka iyo in la bilaabo hanaan siyaasadeed oo dhamaystiran.
Erdogan wuxuu xusay in gargaarka bani’aadamnimo ee lagu yareynayo xanuunka dadka Suudaan uu intii lagu jiro muddadan sii kordhi doono.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Turkiga Cevdet Yilmaz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah Alparslan Bayraktar, Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Ibrahim Yumakli, iyo Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Burhanettin Duran.




























