| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xassan Sheekh oo Si Diirran Loogu Soo Dhoweeyay Gaalkacyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xassan Sheekh oo Si Diirran Loogu Soo Dhoweeyay Gaalkacyo
Madaxweyne Xassan Sheekh oo Si Diirran Loogu Soo Dhoweeyay Gaalkacyo / SONNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa galabta si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo kumannaan qof oo ka mid ah shacabka magaalada ay isugu soo baxeen soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa tilmaamay muhiimadda ay Gaalkacyo u leedahay Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay taariikhda dadaalladii nabadda lagu gaarsiinayay magaalada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa sidoo kale uga mahadceliyay shacabka Gaalkacyo soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

XIGASHO:SONNA