Soomaaliya iyo Kazakhstan oo ka wada hadlay iskaashi tamareed kulan heer sare ah oo ka dhacay Astana
Wadahadallada ayaa waxaa ka mid ahaa kulamo uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka KazMunayGas, iyo Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Jamhuuriyadda Kazakhstan.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kazakhstan, Danjire Fathudin Cali Maxamed, ayaa Astana kula yeeshay kulamo heer sare ah mas’uuliyiin sare oo tamareed si ay u sahamiyaan fursadaha iskaashi ee sahaminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.
Wadahadallada ayaa waxaa ka mid ahaa kulamo uu la yeeshay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka KazMunayGas, iyo Sanzhar Zharkeshov, Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Jamhuuriyadda Kazakhstan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashi suurtagal ah oo ku saabsan waaxda tamarta, taasoo ka tarjumeysa dan wadaag ku aaddan dhisidda iskaashi wax-ku-ool ah oo u dhexeeya labada dal. Mas’uuliyiinta Kazakhistan ayaa muujiyay awooddooda farsamo ee xooggan, khibradooda ballaaran ee sahaminta iyo horumarinta khayraadka hydrocarbon-ka, iyo furfurnaantooda ku aaddan iskaashi caalami ah—gaar ahaan suuqyada tamarta ee soo koraya.
Danjire Fathudin ayaa soo bandhigay fursadaha shidaal iyo gaas ee Soomaaliya, kuwa dhulka iyo kuwa badda, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay dalka horumarinta masuuliyadda leh ee khayraadka, qaab-dhismeed sharci iyo nidaam oo hufan, iyo la shaqeynta shirkado tamareed oo caalami ah oo khibrad leh.
Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimada sahanka juqraafiyeed oo saldhig u ah iskaashi muddo dheer ah, oo ay ku jirto adeegsiga tiknoolajiyado horumarsan sida ururinta xogta seismic, falanqaynta heer sare ee xogta, iyo qaabaynta lakabyada hoose ee dhulka. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen qiimaha gudbinta aqoonta, dhisidda awoodda, iyo iskaashi farsamo si loo taageero horumarinta tamar waara.
Kulamada ayaa ku soo dhammaaday ballanqaad wadajir ah oo lagu qoto dheereynayo wadahadalka isla markaana lagu sahaminayo dariiqooyin wax ku ool ah oo ku saabsan iskaashiga shidaal iyo gaas, taasoo astaan u ah tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan