Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabisyo muhiim ah iyo xeerka cafiska guud
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale dib u eegay warbixinno amni iyo howlgalada militari ee ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo Isniintii yeeshay kulan aan caadi ahayn, oo lagu ansixiyay magacaabista Xuseen Qaasim Yuusuf oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha.
Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sidoo kale dib u eegay warbixinno amni iyo howlgalada militari ee ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyo sidoo kale arrimo la xiriira ilaalinta deegaanka iyo dadaallada beerista geedaha ee dalka oo dhan.
Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay Xeerka Cafiska Guud, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa darajada danjire u dalacsiiyay Nuur Maxamuud Sheekh kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Danjire Nuur ayaa horey xilal sarsare uga soo qabtay urur goboleedka IGAD, ahna dublumaasi xirfad sare u leh xiriirka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ansixinta ka dib golaha ka jeediyey ayaa sheegay in kaadirka aqoonta durugsan u leh dublumaasiyadda uu xoojinayo siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, isaga oo Mudane Nuur u rajeeyay guul iyo xil-gudasho hufan.