| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Danjiraha Soomaaliya ee Azerbaijan oo gudbiyay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga: Baku
Kulan heer sare ah oo ay yeesheen labada dhinac, ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo ka qeybgalka heer gobol iyo caalami.
Danjiraha Soomaaliya ee Azerbaijan oo gudbiyay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga: Baku
Danjiraha Soomaaliya ee Azerbaijan oo gudbiyay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga: Baku / User Upload
11 saacadood ka hor

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinur Daahir Fiidow, ayaa nuqullada Warqadaha Aqoonsigiisa u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Jeyhun Bayramov, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Baku.

Kulan heer sare ah oo ay yeesheen labada dhinac, ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo ka qeybgalka heer gobol iyo midka caalamiga ah.

Danjiraha ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya labada dal.

XIGASHO:SONNA