| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug oo Axaddii lagu doortay magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug, oo Axaddii lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Hoggaanka la doortay ayaa kala ah Guddoomiyaha Golaha, Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Cabdulqaadir Axmed Cali, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mursal Cabdi Aadan.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay inay ku guuleystaan gudashada waajibaadkooda si hufnaan iyo masuuliyad ku jirto, iyagoo mudnaanta siinaya danta guud, midnimada iyo horumarka. Wuxuu ku boorriyay inay xoogga saaraan masuuliyadaha saaran, kana shaqeeyaan xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowlad-goboleedka iyo horumarinta howlaha Golaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorashooyinkii nabdoonaa ee dimuqraadiga ahaa ee ka dhacay degmooyinka Galmudug, isagoo xusay inay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka, laguna xaqiijinayo xuquuqda muwaadiniinta ee ah inay doortaan hoggaankooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray guddiga isagoo hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo gudashada waajibaadka loo igmaday, isagoo ku boorriyay inay mudnaanta siiyaan xoojinta hay’adaha sharci-dejinta, midnimada bulshada, nabadda iyo horumarka Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo horumariyo dowladnimada iyo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA