Soomaaliya iyo UNDP oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta
Soomaaliya iyo UNDP ayaa xoojinaya iskaashiga horumarinta, iyadoo la kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu taageerayo mudnaanta horumarineed, xoojinta hay’adaha dowladda iyo kobaca waara ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Arbacadii ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee Christophoros Politis, oo ah Wakiilka cusub ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.
Kaddib munaasabadda guddoomidda waraaqadaha aqoonsiga, Politis ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Xamza Aadan Haaddow, waxaana intii kulanku socday labada dhinac ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo dejinaya hannaan lagu xoojinayo iskaashiga lagu taageerayo mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa dib u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga horumarinta, waxayna soo dhaweeyeen taageerada joogtada ah ee UNDP ay ku bixiso xoojinta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo horumarinta kobaca waara ee qaranka.