Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay Dastuurka cusub ee dalka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay dastuurka cusub ee dalka, isagoo soo afjaray dastuur ku-meel-gaar ah oo muddo dheer jiray.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay dastuurka cusub ee dalka, isagoo sidaas ku soo afjaray dastuur ku-meel-gaar ah oo muddo dheer jiray.
Madaxweynaha ayaa Axaddii meel mariyay dib-u-habaynta dastuurka munaasabad ka dhacday caasimadda Muqdisho, iyadoo guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay goob joog ka ahaayeen saxiixa.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in hirgelinta dastuurka cusub ay si degdeg ah u dhaqan galayso, wuxuuna muujiyay rajo ah in sharciga cusub uu dalka “u horseedi doono xasillooni siyaasadeed.”
Dastuurka ayaa soo bandhigaya isbeddello badan, oo ay ka mid yihiin shuruudaha madaxweynaha, xaddidaadda muddo-xileedka, iyo habka loo dooranayo wakiillada shacabka ee Baarlamaanka.
Qodobbo cusub
Sida uu dhigayo dastuurka cusub, qofka u tartamaya xilalka sare ee doorashada Soomaaliya waa inuusan guursan qof ajnabi ah, waa inuusan haysan laba dhalasho, labadiisa waalidna waa inay Soomaali yihiin.
Qofka haysta laba dhalasho ee doonaya xil sare oo siyaasadeed waa inuu si rasmi ah uga tanaasulaa dhalashada ajnabiga ah.
Wax-ka-beddelladan ayaa si toos ah u saameynaya xilalka madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, iyo guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka.
Dastuurka cusub ayaa sidoo kale kordhinaya muddada xilka madaxweynaha oo hore u ahayd afar sano kana dhigaya shan sano, iyadoo xadka ugu badan lagu koobay laba muddo-xileed.
Shuruudda da’da madaxweynaha
Marka madaxweynuhu dhammaysto labadiisa muddo-xileed, si toos ah ayuu noloshiisa oo dhan uga mid noqonayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Sida uu dhigayo dastuurka cusub ee dib-u-eegista lagu sameeyey, musharraxiinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waa inay ugu yaraan gaaraan da’da 40 sano.
Soomaaliya ayaa sidoo kale ka guureysa nidaamka adag ee qabiilka ku saleysan ee lagu soo xulo xildhibaannada, iyadoo loo gudbayo doorasho toos ah oo ay muwaadiniintu ku dooranayaan wakiilladooda Baarlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee, sidii horey u jirtay, xildhibaannada ayaa waxa ay dooran doonaan madaxweynaha dalka iyagoo ku kulmaya fadhi wadajir ah oo Baarlamaanka ah.
Saddex heer oo dowladeed
Dastuurka cusub ee Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u aqoonsanayaa saddex heer oo dowladeed – dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada federaalka, iyo dowladaha hoose.
Kani waa dastuurkii ugu horreeyay ee buuxa ee Soomaaliya yeelato tan iyo 1991-dii, xilligaas oo uu qarxay dagaalkii sokeeye.
Dastuurkan cusub ayaa beddeli doona dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee la ansixiyay 2012-kii.