Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisii toddobaadlaha ahaa, oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, ku ansixiyay go’aanno muhiim ah oo la xiriira garsoorka, dhaqanka, duulimaadyada, dhallinyarada iyo tacliinta sare.
Goluhu wuxuu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay afar xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Adeegga Garsoorka, oo ah hay’adda dastuuriga ah ee mas’uulka ka ah maamulka iyo madaxbannaanida garsoorka. Xubnaha la magacaabay waa Maxamed-deeq Macallin Aadan, Maryan Sheekh Cismaan, Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil iyo Cabdulqaadir Cali Macallin. Magacaabistooda ayaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo, ka hor inta uusan Madaxweynaha si rasmi ah u dhisin Golaha.
Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ah sharcigii ugu horreeyay ee noociisa ah dalka, kaas oo ujeeddadiisu tahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka, farshaxanka iyo hidaha Soomaaliyeed.
Dhanka xiriirka caalamiga ah, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay heshiis iskaashi oo dhinaca gaadiidka cirka ah oo ay Soomaaliya la gashay Cumaan, iyo Axdiga Dhallinyarada Afrika oo xoojinaya ka qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada iyo horumarinta qaaradda.
Sidoo kale, Maxamuud Axmed Jimcaale ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Tacliinta Sare, isagoo beddelay guddoomiyihii hore.
Go’aannadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dhammaystirayo hay’adaha dastuuriga ah, xoojinta dowladnimada iyo horumarinta hay’adaha muhiimka ah ee dalka.
























