Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Isniintii magaalada Baydhabo ka daah-furay Madasha Gurmadka Bani’aadannimo ee Dalka, taas oo ay ka qayb galeen bahwadaagta caalamiga ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada aan dowliga ahayn (NGOs), iyo ururrada bulshada rayidka ah si ay uga wada hadlaan soo kabashada abaarta iyo u diyaar-garowga saamaynta la filayo ee El Niño 2026.
Isagoo khudbad ka jeediyay madasha, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay saamaynta ba’an ee ay abaarta, fatahaadaha, iyo masiibooyinka kale ee la xiriira isbeddelka cimiladu ku yeesheen bulshada, isagoo ka digay in El Niño 2026 uu keeni karo caqabado hor leh, gaar ahaan gobollada horeyba u wajahayay baahiyo bani’aadannimo oo aad u daran.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo habka gurmadka degdegga ah ee dhacdooyinka kadib, loona weecdo qorsheyaal ku saleysan ka hortagga musiibooyinka iyo u diyaar-garowgooda, si si wanaagsan loo ilaaliyo bulshooyinka nugul ee ay masiibooyinku saameeyaan.





















