Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, Fayez Al-Shawabkeh, hambalyada iyo ducada wanaagsan ee uu u soo diray kaddib markii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
SHEEKOOYIN KALE
Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu muhiimad weyn siinayo iskaashiga baarlamaaniga ah ee Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika, wuxuuna mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta isku-dubbaridka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
XIGASHO:SONNA





















