Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa goobjoog ka noqday munaasabad ballaaran oo xilka lala kala wareegayay, taas oo Agaasimaha Guud ee xilka ka degaya ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, uu xilka ugu wareejiyay Agaasimaha Guud ee cusub ee hay’addaas, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.
Munaasabaddan xil-wareejinta ah oo u dhacday si heer sare ah, ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin sarsare oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, madaxda hay’adaha dowladda, iyo mas’uuliyiinta garsoorka ciidamada.
Mas’uuliyiinta madasha goobjoogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Gudaha General Abdullahi sheikh Ismail (Fartaag), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Xoosh, iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa ka qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda iyo Xildhibaanno ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo uu ku jiro Guddoomiyaha Guddiga Amniga ee Baarlamaanka.
Dhinaca kale, waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo qaar ka mid ah agaasimeyaashii hore ee soo maray hay’adda.
Dhanka garsoorka, waxaa madasha ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.


























